Writen by Qaran News |

“Intaad Dabka Deriskaaga Bakhtii Is leedahay Dabka Gondahaaga Ka shidan bakhtii Horta” famaajo

Tiisaba Daryeelaa Tu kalena Ku dara’’ Somaliya Oo Ciidamo nabad ilaalina U diraysa Koonfurta- Sudan.

Ciidanka Somaliya Waxay Ahaayeen Wakhti Kuwa Qaarada Afrika Ugu Awooda Badnaa Kadib xornimadii Somaliya’ Waxaanay Tiro ahaan dhamaayeen 400.000’ iyadoo Dawladii Siyaad Ahayd dowlad Ciidan Kasoo Xidid-Waraabsatay’ Waxaanu Awooda Saari jirey Dhanka Strategic’yada Ciidanka’.
Hadaba Dagaalo Sil-silada Kadib Oo somaliya Ka socday Muddo Rubuc Qarni ah’ Ciidankii Somaliya Waxa Uu Noqday Mid’ Lafa jabay’ Waxaana Hada Kasii bidhaamaya Tiro Ka yar 20.000’ Oo Gaajo-Ku diri ah’.
Oo Aan Lahayn Mushahar Fiican Iyo Dhaqaalayntoona, Una Dheer tahayna Bah-dilaada Amisom.

Waagaa Ciidanka Somaliya Waxay lahaayeen Khibrad dagaal’ iyo Tababaro Heer-sare ah’ Waxaana Taageere Tababar iyo Mid saanadeedba ka heli jireen Midowgii Soviet, Talyaaniga Iyo Maraykan. Se mudooyinkii U dambeeyey Somaliya Ciidamo Fara-kutiris ah’ Ayaa Wadamo kala duwani U tababareen Kuwaasina Ma Noqonayaan Kuwo isla jaan-qaadi kara.

IGAD: Shirkii Todobaadkii Dhawaa La qabatay Ayaa Sandulle somaliya Lagaga dhigay Inay Ciidamo Nabad ilaalina U dirto South-Sudan Oo Dagaalo Maasheeyen’ Sidaan ognahay Xaalada labadan wadan Waxaa Liidata Ta Somaliya’ Iyadoo la Xeerinayo Xeerarka Qaramada Midoobay ee Ku arooraya Qaabka Halwgalada Nabadaynta Dalalka’ Colaadahu La soo dersaan 2304/16 iyo 2406/18”

Anigu Waxaan U arkaa Arinkan In lagu Diganayo Somaliya iyo Sidoo kale inay tahay Maleeg-Siyaasadeed Oo ka dhan ah’ Nabada Somaliya’

– Sidee U suuro Geli lahayd In Uu farmaajo Joojiyo Arintan.

Waa Masalo Siyaasan Sahlan, Waxay Ahayd in farmaajo Ka sheego Madasha In aanay Suuro-gal ahayn’ In Ciidamo Sudan ay Somaliya u dirto Oo anay lahayn Tabartaas. Codsadana In Laga Ikhtiraaco laguna Dhaqan geliyo Xeer-Hoosaad Tibaaxay Arinka Shirkii Gudaha IGAD’ ee Ay isugu Yimaadeen Madaxda IGAD’ Somaliya Maadama Oo Ay Qudheedu la daalaa Dhacayso Dagaalo Qaan-gaadhay’.
Iyadoo Wax ka bedel lagu samayn lahaa Qodobka Labaad Ee Dastuurka IGAD’
Ee ah
•- Iskaashiga Nabad Gelyada ee Wadamada Xubnaha Ka ah’IGAD.

Runtii Waa Qodobka Dabray Somaliya Oo aanay Ugu Hogaansatay Sharciga IGAD’ iyo Kuwan Qaramada Midoobay Ee ay Ku jiraan Qaawaniint Caamiga ah’ ee ay Qaar Dhawaan Ansixiyeen.

Hadaba Hadii Uu farmaajo yahay Mid Lexo-jeclo ka qaba In uun dalkiisa Ma uu yeeleen Arintan’ Waxaanu Awood u lahaa In Uu Kulankaa Ku baajiyo Arintan Aan la qaadan karayn’ Maadaama Oo Awood Buuxda U leeyahay Yahayna Xubin kamida Xubnaha Madaxda ka ah’ Ururka oo ah’ Awooda ugu sareysa Ee Ururka’ Oo Ah Dajinta Siyaasada Iyo wax-ka bedelkeeda. Waxaana Wax-kabedel lagu samayn lahaa Qodobka 2aad Iyadoo la ikhtiraaci lahaa Xeer- Hoosaad Dhigaya In aanu Wadankani Awoodin Ciidamamo Nabad-ilaalin Oo Ay Ugu Deeqdo- Wadanka 2011-kii Kusoo Biiray IGAD’ ee South-Sudan.
Farmaajo hore ayaa uu ka qaatay Arinkaa Qalinkana Wuu ku duugay.

Political Analyser: Fadxi Greenford.