Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!. Qaybtii 7aad.
Sid Tirrin Gam, Hooballow Helnay.
Caradoo barwaaqoo Calcalyo xareediyo dhulku Cosob leeyahay dhirtuna Calleemo iyo ubax Caynba Cayniyo Man’ wada Carfaaya Caarada ku wada-le, sida loo Calmado ee fiiro Cayiman daymada loola Cidhifyo raaco, ayuu dhaqankeenan Cuddooni Ana iigu Cugan yahoo Caqligiyo maankiyo Cindiga iigu xardhanyahee Halkee Cashar maraynay ama Qoraal Caraabinaynay?.
Waxaynu Cayntaarinaynay………… Hadaba murankuba hayaraadee ma ogtihiin in Dadkeenii Hore ee aynu ka joognaa…………………. Ahaayeen Dad Sooyaalka taariikhdooda Dhitaysan jiray ama kaydsan jiray, iyaga oo ku kaydin jiray qaab murtiyeed ah Suugaan, Ciyaar, Maahmaaho, Halku dhigyo iyo Qoraal! Haa “QORAAL”.
Waxa hubaal ah in dad badan ku adkaato sida ay u qaataan se waa bishii Barakaysnayd ee wax walba oo danbi leh oo Been abuur ugu horeeyo laga sooman yahay, sidoo kale wax aan jirin Jaahil baa sheega, Boqortooyadii Hooyoleyda iyo boqortooyooyinkii ka horeeyey ee ay lahaayeen dadkii Hooyoleyda noqday waxa ay leeyihiin Taariikh qoran oo ku qoran Afka, Dhaqanka iyo goobo Xusuus qor ah, oo ay inooga tageen Illaahay mahadi haka gaadhee.
Hadaba Boqorkii ugu horeeyey ee Hooyoleyda waxa la odhan JIRAY Boqor HOBAL, hase yeeshee waxa Mudnaan ahayd in Magaca dadku yeedhnaado ama Wac-naado, sidaa aawadeed waxa uu ahaa Boqorkii koowaad ama ugu horeeyey ee Hooyaleyda, Boqor ‘HOOBOLOW//HOBOLOW’, Boqor Hobolow Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyo, wuxuu leeyahay Taariikh qoran oo sheegaysa Hooyo-ley reerka uu ka ahaa, Maxaa yeelay Hooyoleyda reeraha noqday waxa ay ahaayeen reero dhawr ah, oo hadana siyaabo kale isku raaci jirtay ama isku xullafaysan jiray, waayo Hooyoleydu waxa ay ahaayeen Xoolo dhaqato Beeroley ah, oo kala Sumado ama Callaamado Reero iyo midabbo ahaa ama Caddaan iyo Madow iyo midabyada u dhexeeya ahaa,
Hadana markii Boqortooyada Hooyoleyda la unkumaayey ama dhidibka loo qotominaayey reerihii kala wada duwanaa, waxa ay noqdeen HOOYOLEY Hal Sumad ama sumad qudha ama keliya wada yeeshay, oo ay iskugu xullafo sidkameen, oo wada yeeshay Sumadii Hooyalayda oo kawada dhaxaysa, sidoo kale Dadku wuxuu ahaa Ummad kalawada midab ah Caddaan iyo Madow iyo midabada u dhaxeeya, sidaa awgeed waxa ay Hooyoleydu isku raaceen oo sharci u noqotay reerihii ay ka koobnaayeen in aan Reerna gudihiisa is Guursan karin ama isma Gayaan noqdeen si layskugu Dhiig iyo Midab baxo!, (waana taynu ka dhaxalnay Suurada aynu maanta leenahay!).
Hadaba Hooyoley waxay noqdeen Boqortooyadii aduunka ugu wakhtiga dheereed ee soomarta, mudo Todoba Kun oo sanadood laga joogo ayey ahayd xiligii dhidibka loo taagay ama qotomiyey Boqortooyadii Hooyaleyda, inkastoo Boqortooyadii Hooyoleydu ay burburtay ama lagu kala Yaacay ama kala taagey sabab xaga Diinta ah awgeed, mudo waa’ ama xilli hore ah, hadana waxa mucjiso ah in dhaqankii Hooyoleydu noolyahay!, oo weli dhaqankii Hooyo Dihin yahay Illaahay mahadi haka gaadhee.
Hadaba Boqorkii ugu horeeyey ee Hooyoleyda wuxuu ahaa Boqor Hobolow, wuxuuna ahaa Boqor Hobolow qofkii ugu horeeyey ee Gabay Hooyo-layey Hooyo-layey ku bilaaba, sida ku Qoraal xusan Sooyaalka taariikhda Hooyoleydu ka qoraal tageen, sidoo kale xikmada Suugaanta Soojireenka ah ee Hooyoleyda waxa ku xusan sida sharafta maamuuska iyo haybada leh ee uu dhaqanka Hooyo Boqor Hobolow ugu xusan yahay, sida caleemo saarkiisii loo cuddeeyey ama dhaqanka loogu xardhay ama daabacay si’aan suulahayn ama ilowshiiyaha ka Caagan ee xusuustiisu u Dihintahay, waayo waata la yidhi ee welina layidhaahdo sida ina uu weli jiro oo joogo iyada oo mudo Todoba Kun oo sanadood kasoo wareegtay “Illeen Dhaqanku waa Duug = Dhaqanku waa Dhaqan raagay oo Sanado aad u badan jiray oo Baalli ah ama facwayn”, Boqor Hobolow dhaqankeenan Duuga ah ayuu ku sumad xardhanyahay sidatan, (ALLA HOBBAY HOBAALIGAYOW SIT TIRRIN GAM, HOOBALLOW HELNEE) oo ah ‘Alla Hooyo iyo Hooyolay-daydiiyey intii Uur lagu Siddilahaa ama wakhtigii Sidkiisu ahaa Buuxsan ama idlaa ama lagaadh oo Gam yidhi oo Hobolow Helnay), Markalena waata dhaqanka lagu yidhaahdo (HOOBBAALAYOW HOOBALLOW HELNAY HILLOWLEH), oo ah’ ‘Hooyoley-daydiiyey Hobolow Kal-gacal-leh ayeynu helnay’. Qoraalka Xusuus qorka Calleemo saarkiisii waxa u qoran (Boqorkii Hooyoleyda ee Ahaa Aftahankii ama Afyaalkii Godalka laga maalay lagana hayo Hooyoleyey Hooyoleyey-dii loo wada kacay ama loo hanqal taagay ama layskugu soo hirtay) waa Taariikh 7 kun oo sano ka hor la qoray, Waana Qoraal ku Xardhan ama ku Qoran Goob ku taala ‘JAMHUURIYADA BARAKAYSAN’ Qoraalka sidaa odhanayaa, Waxaan jirin Jaahil baa sheegee!, Mana aha Taariikh Qurxin ama Suugaamayn u baahan waayo waxa si caaqiiibo leh ama si cudoon oo Baxsan oo wax lamid ahi jirin u kayd dhigay Dadkeenii hore ee Waxgaradka Guurtida ahaa, ileen waatii Horaba loo qiray ee layidhi (Rag ama Dad waa Raggii Hore Hadalna waa intuu Yidhi!).
Sikastaba ha ahaatee Taariikhda iyo Sooyaalka Dhaqankeenu ha ahaado KII-Hooyo ama kuwuu ka horeeyey ee aynu lahaan Jirnay maaha Wax qoraal lagu soo koobi karo, waayo waa Taariikh Duug ah oo Guun ah oo Af, Dhaqan iyo Goobo ku xusuus qoran ama ku kaydsan!.
Hadaba waxa isweydiin Mudan Taariikhdaa iyo Qoraalada Qadiimiga ah ee aan sheegayaa haday wax jira yihiin maxaan ula wadaagi waayey Ummada?,
Runtii waa Su’aal wax ku ool ah ama caaqiiibo leh, Markaa waxa… …………..Lasoco taxanaha.
Dad Taariikh Sugan leh baynu nahay
Se waynu Soomaal/Soolis – sownay
Saynu sida duunyada Anbad dabayl-raacnay!.
Fuad Fartaag 07-04-2023