Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!.

Qaybtii 5aad.

Hooyo-ley.

Waa Qormo kale oo ku xidhiidhsan sida awrta dhaanka ah, taxanihii Garka ama Hogaanka aan hayey,

Xagee baan marinaayey?, waxa aynu soconay,……. eeg hada Af-HOOYO, Dhul-HOOYO, Dad-HOOYO-LEY, Maxaa caddayn loohayaa in HOOYO tahay waxan aan ku sheegaayo? Hooyoley-na Magac Qoomiyad yahay? Waxa aan ku caddaynayaa…….. Hidaha iyo Dhaqanka Hooyo (Hido = caadooyin la joogtaystay, Dhaqan = Xeerar iyo Qaab nololeed laysku raacay oo noqday qodobo sharci oo laraaco oo ah dhaqan, dhaqan-gal ah oo bulsho ama Ummad tiro badani wada yeelato), dhaqanka Hooyo ama dhaqanka Hooyoleydu waa Dhaqan guun ah oo Duug ah oo jiray Mudo Kumanaan sano ah, waana Dhaqan lawada yaqaano, hadii Waxaan dhaqanka ka mid ahayn aan ku sheego dhaqanka Hooyo, Waar qalinka been qorka ha barine iska dhig idhaha ama igu ooriya!.

Hooyo waxa ay ahayd inan ama gabadh kasoo jeeda reerkii Boqorkii Hobol ama Hobolow sida caadada u ahayd dadkaa hore aynu ka joogno welina lagu dhaqmo waxa Mudan ahayd ruux marka la sheegaayo in magaciisu yeedhnaado hadii laguu yeedhaayo ama lagu wacaayo iyo hadii lagu Magac dhabaayo, sida Tusaale:- hadii magacaagu yahay Cabdi = Cabdiyow, Faarax = Faaraxow, Cismaan = Cismaanow, Celis = Celisow ama Bedel = Bedelow, Markaa Hobol = Hobolow ayuu ahaa (Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyo Aamiin), Hadaba reerihii laysku yidhi Hooyoley oo markaa kala xidhiidh furmay iyada oo kala irdhowgooda dogob ay sii Saartay Dadka oo markaa ahaa Ummad kala wada Midab ah oo Caddaan, Madow, Indhoyar iyo midabada aduunka maanta ku camiran ay kala ahaayeen, Inanta Hooyo waxay ahayd inantii ugu horaysay ee reerihii kalasii xidhiidh furmaayey Iskusoo celisay ama xaydaabkii wax isku ahaansho soocelisay, waayo reerka ay ka dhalatay iyo reerka ay u dhaxday way kala xidhiidh furteen oo way kala irdhoobeen ama kala guureen, Sidoo kale Hooyo ama Hooya waa inantii Erayga WALAAL Afka kusoo kordhisay, waxaana Eraygaa la dhacay ama ka helay qiimo badnaantiisa iyo sida uu wax ku ool u yahay, Boqor Hobolow oo u noqday Boqor labadii reer ee markii lakala wada xidhiidh furtay Dib u midooba, sidoo kalana wuxuu noqday Boqorkii ugu Horeeyey ee Hooyaleyda, waxaana Boqor Hobolow laga hayaa (ina rag walaal wuxuu ku dhaamaa majiro ee aynu is WALAASHANO).

Hadaba aan ku laabto Erayga Hooyo, sida Afka ku cad waa eray suko ah ama eray isaga oo aan eray kale ku ladhnayn ama ku sidkanayn baxay, oo ka dhigan Hooyo = tii hoyga ahayd ama tii hoysay ama Hooya.

Erayadii Hooyo Horteed jiray waxay ahaayeen ama u badnaadeen ereyo isku dhawaaq dhow oo wada socda, Sida HABAR iyo HABAR-YARO oo ka dhigan Hooyo iyo walaasheed, oo ka dhigan Tii I

Hab-bartay ama I Hab-baraysay iyo tii I Hab-baraysay tii ku xigtay,

HUUNO iyo HABO oo ah Hooyo iyo walaasheed oo Ka dhigan tii inuujinaysay Naaska iyo tii I Habaysay ama I qulaaminaysay, (Afka hadeer ama xiliyadan, Huuno = Walaal, Habo se weli waa Habar-yaro)

AAYO iyo AAYOW oo ka dhigan Hooyo iyo Aabo ama tii iyo kii aan aayahooda ama Tafiirtooda ahaa, (Afka hada AAYO = Afada Aabahaa ee Hooyadaa ahayn iyo Ooriyaha Adeerkaa iyo Abtigaa, Aayow weli Aabo weeye inkastoo Magac wiilna loola baxo deegaamada qaar)

AB iyo ABDO oo ka dhigan Aabo iyo Hooyo, ama kii iyo tii layga unkumay ama layga beeray, (Afka hada Abdo = Aayo oo labada erey afkii hore waa Hooyo se Afka wakhtigan maaha Hooyo, tusaale Abdo malaha = Aayo malaha, Beri-samaad waxay ka dhignayd waa Rajay oo Hooyo malaha!, hada se waa aayotiin malaha ama wanaag-malaha ama faa’iido-malaha ama nafmalaha, waa gadgadoonka ereyada iyo Waayaha ummadaha soo jireenka ah!),

AW iyo AWOOW oo ah Aabo iyo Aabihii ama Awoowgay, (hada sida loogu yeedho qofka waayeelka ah Aw-Hebel waa Aabo-hebel iyada oo maamuus iyo xurmo Waayeel nimo looga jeedo).

Hadaba halkaa waxaynu ka dheehan karnaa sida ereyada isku sidkan ama ladhan loo adeegsan jiray iyo sida Hooyo aanay u wadan eray ku ladhan ama ku sidkan oo Mar wada baxeen ama soo wada biireen, aanu ujirin, Maxaa yeeley, Hooyo marka ay noqotay Magac qoys waxa ay Gashay meeshii Habar!, waayo waxa ku ladhmay ama raacay Habar-yaro oo waxa ay noqdeen Hooyo iyo Habar-yaro!, ilmihii ama ubadkii laba Hooyo ah oo Walaalo ah ay dihdaan ama Dhalaan may noqon Hooyo-Wadaag se iyana waxay noqdeen Habar-wadaag! Ama ilmo-Habreed.

Hadaba Hooyo waxa ay dheeraatay Habar, Huuno, Aayo, Abdo iyo magacyadii kale ee Hooyo Horteed baxay ee u dhigmaayey Hooyo in magaca Hooyo wax dheeraado, taas oo ah in dhamaan magacyadaasi qoys aanay dhaafsiisnayn, se Hooyo waxa ay noqotay Hooyadii qoyska iyo Hooyadii qoomiyada!, Maxaa yeeley Hooyo waa Hooyadii ubadka qoyska sidoo kale qoomiyadiina magaca guud wuxuu noqday HOOYO-LEY!,

Maxaa caddayn u ah?, Waxa caddayn u ah Dhaqanka guunka ah ee aynu leenahay, waxa aynu leenahay suugaan faracyo ama laamo badan leh iyo Ciyaaro Hide iyo Dhaqan ah, balse sumad keliya leh oo ay ku suntan yihiin Cidda lihi, tusaale:-, Bal eeg Suugaanteena iyo Ciyaaraheena sida GABAYGA iyo GUUROWGA waxa lagu ibofuraa ama lagu bilaabaa HOOYO-LEYEY-HOOYEE-HOO!, (Guurowga siiqad Labaad oo lagu billaabo ayaa jirta oo ah “Gibillow Hoobay helnee wayaabow, / Gibillow Hoobay wayaabo Helnee wayaabow,” Guurowga siiqada Gabayga iyo tan Labaad ba waa lagu bilaabaa, Gibillow = Haybadlow).

JIIBKA isna waxa dhextaal u ah HOOYAALEYEEY HOOYEE HOOOO waa Hooyo aad loo jiido, oo jiib coddad badan oo talan taala ama sidii subcis aan u wada Socon lagu wada jiibiyo.

GEERAARKA waxa lagu dhameeyaa HOOYO-LEYEY HOO, Halka SAAR heesaadka lagu ood-rogo HO-HOOO HOOYAALEHAYOW HO-HOOO.

Iyana waxa jira Hees Hawleed iyo ciyaaro Dhaqameed ay Hooyo ama Hooyo-ley ku suntan tahay sida……….. …. Lasoco taxanaha.

Dhaqansani waa Dhaqanka Hooyo-leyda,

Soomaali/Soolisi Caado xun, isdil, isdhac, Xasad, Nuqdi, Cay, Ceeb iyo Faan udaa!.

Fuad Fartaag 11-03-2023

Fartaagmuwaadin@gmail.com