Iran oo war cusub kasoo saartay awooddeeda hubka Nukliyeerka

Iran waxay sheegtay in haatan uusan qorshaha ugu jirin inay sameysato hub Nukliyeer ah
Iran waxay sheegtay in haatan uusan qorshaha ugu jirin inay sameysato hub Nukliyeer ah

Madaxa tamarta atoomikada Iran ayaa sheegay in dalkiisa uu awood u leeyahay in uu sameysto hubka Nukliyeerka balse haatan aysan qorshaha ugu jirin, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Iran.

“Sida uu sheegay Mr Kharrazi, Iran waxay leedahay awood farsamo oo ay ku sameyn karto hubka Nukliyeerka balse barnaamijkaas qorshaha haatan nooguma jiro” ayuu yiri madaxa atoomikada, Maxamed Eslami.

Hadalka Maxamed Eslami ayaa lamid ah hadal dhawaan kasoo baxay taliyaha sare ee hoggaamiyaha ruuxiga Iran.

Waa arrin naadir ah, waxay u badan tahay inay sii xoojiso walaaca laga qabo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Iran waxay horumarisay Nukliyeerkeeda tan iyo markii uu burburay heshiiskii 2015-kii.

Iran waxay marar badan ku cel-celisay in hadafka ay ka leedahay barnaamijkeeda Nukliyeerka arrin nabadeed balse quwadaha reer galbeedka iyo hay’adda la socota Atoomikada ayaa sheegay in warkaas aysan ku qanacsaneyn.