Isbar-bardhigga lacagta diiwaangelinta musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya & qaar ka mid ah dalalka Afrika

.

Guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal baarlamaanka ee Doorashada Madaxweynaha ayaa soo gabagabeeyay diiwaangalinta murashaxiinta u tartamaayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya oo waqtigeeda la cayimay ayaa musharixiinta loo soo bandhigtay shuruudo cusub, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah tartankii ugu adkaa ee doorashada Soomaaliya.

Guddiga gaarka ah ee baarlamaanka ee loo doortay inay diyaariyaan doorashada madaxweynaha ee waqtogeeda dib uga dhacday taas oo sannadkan loo asteeyay inay 15-ka bishaan May.

Doorashada oo markii hore loo qorsheeyay inay dhacdo bishii March ee sannadkii 2021, ayaa dib u dhac ku yimid in ka badan hal sano.

Haddaba waxaanu is barbardhig ku sameyneynaa lacagaha ay bixiyaan musharixiinta u tartamaya jagada madaxweynaha ee qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo Soomaaliya

Soomaaliya

Sida uu dhigayo xeer hoosaadka ay shaaciyeen guddiga loo xilsaaray doorashada, musharax kasta oo daneynaya xilka madaxweynaha federaalka waxaa laga doonayaa in uu isa soo diiwaan geliyo inta u dhexeysa 8-da illaa 10-ka bishan May oo maanta ku eg.

Ilaa haatan guud ahaan waxaa is diwaan-geliyay musharixiin afartan ku dhow, oo marka laga reebo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay dhammaantood rag yihiin.

Musharixiinta madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa laga doonayaa inay bixiyaan lacag dhan $40,000 oo doolar oo ah kharashka isdiiwaangelinta. Sannadkii 2012, musharraxa waxaa looga baahnaa inuu bixiyo $10,000 marka uu gudbinayo warqadda codsiga ah. Lacagta ayaa kor u kacday ilaa $50,000 sanadka marka loo eego doorashadii 2017.

bbc

Laakiin waxaa jira shuruudo kale oo ah inm urashax kasta oo madaxweyne ay soo jeediyaan ugu yaraan 20 xildhibaan ama ugu yaraan hal gobol oo federaal ah.

 

Kenya

Musharixiinta madaxweynaha ka socda xisbiyada siyaasadda waa inay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC u gudbiyaan lacag dhan hal malyan oo Kenya shilin ah oo u dhiganta ku dhawaad 10,000 oo doolar

Musharixiinta Madaxbanaan ayaa sidoo kale laga doonayaa inay bixiyaan 1 malyan oo Shiling. Si kastaba ha ahaatee, haweenka u sharaxan xilka madaxweynaha ayaa laga rabaa inay bixiyaan kala bar lacagtaasi oo u dhiganta $5,000 oo doolar.

Tansaaniya

Dalka Tansaanyia musharraxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha waxaa laga doonayaa inay bixiyaan $ 1,000 doolar.

Burundi

Burundi, musharrixiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha iyo xildhibaannada waa inay bixiyaan kharash si ay uga qaybgalaan doorashada. Tani waxay ku caddahay qodobada xeerka doorashada 2009.

Doorashada madaxweynaha, qodobka 104: “Musharraxa waa inuu toddoba maalmood oo shaqo gudahood ah uu xisaabta bangiga dhexe ku shubaa, lacag dhan 15,000000 francs burundi uuna warqadda caddeynta soo gudbiyaa. ” lacagtaasi ayaa u dhiganta $7,500

Ghana

Dhammaan dadka u hanqal taagaya jagada madaxtinimada ee Ghana waa inay bixiyeen 100,000 cedis oo u dhiganta $17,000 oo dollar