Writen by Qaran News |

Madaxweyne siilaanyo oo ah madaxweynihii afraad ee Somaliland doorato marka si kale loo eegana noqonaya madaxweynihii labaad ee shacbiweynaha Somaliland si dimuqraadi ah ugu doortaan gacmahooda ( paper bulleting) halka Alle haw naxariistii madaxweynayaashii ka horeeyey Marxuum cigaal iyo marxuum C/rahman tuur ay ahaayeen kuwo ku yimid nidaam beelood oo ay doorteen beelaha ku dhaqan Somaliland
Si kastaba ha ahatee xukuumada siilaanyo markii ay xilka dalka la wareegtay 27-July-2010 Waxa ay garoonka siyaasada la soo gashay dardar iyo waxqabad hor leh , waxaaney durbadiiba bilaabeen dadaalo dhinaca dhaqaale kabka dalka ah iyaga oo bixiyey daymo dhan 43 billion oo shilinka Somaliland ah waxaaney muddo koooban ku bixiyeen daymo xad-dhaaf ah iyo bixinta mushaharka shaqaale gadoodsan oo aan muddo siddeed bilood ah qaadan mushaharadoodii ay xaqa u lahaayeen , si kastaba ha ahaatee xukuummadu iyada oo gashay guntigiijis dhaqaale way bixisey daymahaasi iyo mushaharkaasi shaqaalaha
Waxaana bulshada gashay yididiilo iyo rajo ay ka qabaan in xukuumadu wax badan badali doonto iyada oo ka faaiidaysaneysa qaladaadkii siyaasadeed ee xukuumadihii ka horeeyey waxaana bulshada badankoodu u muuqatay isbedel togan maadaama oo madaxweynaha dalka qabsaday uu yahay shaqsi ka soo jeeda mujaahidiintii dalka dhiigooda u soo cabay islamarkaana aqoon durugsan u leh kobcinta dhaqaalaha oo uu ka gaadhey darajada labaad ee heerka jaamacada (Master of economics)
Hase yeeshee markii xukuumadu muddo sannada iyo badh ah joogtay waxa durbadiiiba maagtay wasiirkii maaliyada Engineer Mohamed xaashi oo ahaa shaqsi dadaal badan xukuumada la sameeyey, islamarkaana ku suntanaa daacadnimo iyo hufnaan shaqo oo uu dadweynaha ka kasbaday; waxaana xukuumada laga dareemay dhago adag badan iyo in ay sida ay doonto u socota iyada oo aan dhagjalaq u siin dhawaaqa xisbiyada mucaaradka iyo aqoonyahanada madaxa banaan, sidaas daaraadeed waxa soo baxey khaladaad aan ku soo koobey sideeda qodob ee hoos ku qoran

1. Dhisidda xukuumad tiro yar oo tayo leh

Tiradda golaha wasiiradda ee bilawgii xukuumadda siilaanyo oo ku bilaabantay 18 wasiir waxay maanta kor u dhaaftay 75 wasiir oo isugu jira wasiiro, kuxigeeno, wasiiru dawlayaal , ay waliba intaasi dheer yihiin agaasimayaal guud , taas oo ah miisaaniyada aanu qaranku qaadi kareyn islamarkaasna caksi ku ah barnaamijkii siyaasadeed ee xisbigu ku hantey shacabka oo aheyd in uu dhisi doonto xukuumad tiro yar oo tayo leh

2. Tayaynta waxbarashada Aasaasiga ah (free education policy

Xukuumada madaxweyne siilaanyo iyada oo ka duulaysa barnaamijkeedii siyaasi ee ay ku gashay olalaha xisbiaga waxa ay qaadey talaabo ay bilaash kaga dhigeysa iskuulada aasaasiga ah iyada oo looga dan leeyahay in loo tudho bulshada qaybteeda jilicdasan ; haseyeeshee barnaamijka waxa dul hoganaya musuqyo badan oo ay kow ka tahay in lacagta ardayda laga qaado iyo in hoos u dhac ku yimid tayada waxbarashada , iyada oo aan tusaale u soo qaadan karo , hoos u dhac ku yimid imaatinka macalinmiinta iskuulka (Puncuality ) , iyada oo loo aaneyn karo dabagalka wasaarada waxbarashada oo liidata , taas oo ku cadeyneyna in aan barnaamijkaasi wali si cad loogu guuleysan

3. Burburka wada hadaladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Somaliya

Xukuumadda Axmed siilaanyo waxay qodob dastuuri ah u jabisey sidii loo furilahaa wadahadal dhexmara xukuumada somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Somalia kaas oo maxsuulkedii noqday midi midi ku tag , islamarkaana aaney ka soo bixin go’aamo midho dhal ah oo u dan ah qaranka Somaliland

4. Xakamaynta iibka hantida qaranka

inkasta oo xukuumada siilaanyo ku andacooto in iibka ama lacagta lagu iibiyo qaar ka mida dhismayaasha hantida qaranka ay ku darto miisaaniyadda qaranka , haddana taasi waxa kuu cadaynaya in aaney jirin baahi keeni karta in la iibiyo hanti qaran oo lagu kabo miisaaniyadda qaranka , mana jirto qandaraas dhul banaan ama dhisme iibkiisa xukuumaddu baahiso marka laga tago dhismihii hore ee wasaarada duulista iyo hawada oo xukuumaddu qandaraaskeeda baahisay islamarmkaana budget-keeda lagu daray miisaaniiyadda qaranka , waxaana muddaasi kor u kacay iibka hantida qaranka ee qaar ka mida wasiirada xukuumadda sida ay doonaan ka yeelaan kuwaas oo xadhkaha goostay muddooyinkii u danbeeeyey

5. Xal u helida tahriibka iyo dhimista shaqo la’aanta da’yarta

xukumadda uu gadhwadeenka ka yahay Ahmed Mohamed siilaanyo intii ay haysay hogaanka dalka waxa korodh weyni ku yimid dhalinta ka baxaysa dalka (out migration) iyo shaqo la’aan baahsan (massive unemploymnet ) waxaana dhalintaasi tahriibka qaar badan oo ka midi ku ladeen saxaraha u dhaxeeya suudan iyo liibiya , halka qaar ku naf waayeen badweynta muetrinian-ka ee u dhaxaysa libiiya iyo talyaaniga waxa meesha ka baxay jiilkii cusbaa ee mustaqbalka dhaw badali lahaa kuwa maanta shaqeynaya ama kuwa ku dhaw da’dii hawlgabka ( retirement age ) iyada oo dunida lagu xisaabtamo ama ahmiyad gaar ah la siiyo dhallinyarada oo ah cududa dal ku dhaafi karo dal kale , xukuumadda oo wakhtigii ay ku jirtay barnaamijkeedii ololaha doorashadii 2010-kii (political program ) ayaa marar badan ku celcelisay in ay wax ka qaban doonto iyada oo aan ka xusi karno halku dhigyadii ay wakhtigaasi ku beerlaxawsan jirtay dayarta oo ay ka mid ahaayeen ‘’UDUB way tagaysaaye ha tahriibin walaal’’ waxayse qodobadaasi noqdeen kuwo ay kaga baxaysay doorashada oo aan dib loo soo hadal qaadin

6. Tixgalinta muwaadinka iyo sinaanta beelaha

intii uu tallada dalka hayey madaxweyne siilaanyo waxa heerkii ugu saraysay abid gaadhay ku dhaqanka qabyaalada iyada oo xataa saameyn ku yeelatay dhalinyarada ciyaartoyga ah ee laga soo xulo gobolada dalka iyada oo lagu soo xulo ciyaartaya qaabka awood qaybsiga beelaha ee 4.5 , taas oo maxsuulkeedu noqday in uu yimaado kala qoqob bulsho iyo is nacayb bulshada dhexdeeda ah waxa sidoo kale hadalada ay madax dhaqameedyada qaar la soo fadhiyaan T.V-yada iyo warbaahinta qaar , waxaana dhacday saami aaney beelaha badankoodu kalsooni ku qaban oo uu jiro tabasho beelaha darafyada ee Somaliland

7. Xadka baxa dollarka iyo qiimo dhaca shilinka Somaliland

Intii uu ay xilka haysay xukuumadda madaxweyne siilaaanyo waxa boqolka dollar ee lacagta qalaad ee dollarku gaadhey qiimihii ugu sareeyey ee abad lagu kala sarifto , iyada oo $ 100 lagu kala badashay qiimo dhan 9800 SL/SH, taas oo shacabka ka yaabisey iyada oo si gaar ah saameyn ugu yeelatay danyarta aaney soo galin lacagta adagi iyo shaqaalaha u badan muruqmaalka ee ay u badan tahay bulshada Somaliland iyada oo xukuumaddu ilaa hadda aaney soo bandhigin qorshe cad oo wax lagaga qabanayo kor u kaca dollarka

Guntii iyo gunaanadkii dhamaan qodobaasi waxay isugu jiraan kuwo xukuumaddu ku dagdagtay iyo kuwo loo baahnaa hirgalintooda oo shacabku mahadin lahaa hadii lagu guuleysto , waxayse noqdeen hal bacaad lagu lisey

Diyaarintii iyo xog ururintii

Axmed Max’ed cismaan caalin

Email: caalin178@gmail.com