Writen by Qaran News |

Iskubedel,Shaandheyn & Xilka-qaadis uu M/weyne Muuse Biixi ku sameeyay  Qaar ka mida Taliyayaasha ciidamada Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo isku-shaandheyn kooban ku sameeyay Taliyayaasha ciidamada Somaliland ayaa taliye-xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland u magacaabay  Gen. Faarax Maxamed Mire “Shiiniile” oo ahaa Hogaankii Hawl-gelinta Ciidamada Milateriga Somaliland.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu taliye-xigeenka Ciidanka Asluubta u magacaabay Gen.Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ahaa Taliye-xigeenkii hore ee Booliiska Somaliland.

Geesta kalena Gen.Xasan Cali Dheere oo ahaa Taliye-xigeenkii Ciidanka Asluubta ayaa loo bedelay Taliye-xigeenka Ciidanka Badda ka dib markii xilka laga qaaday Col.Yuusuf Ibraahin yare oo ahaa Taliye-xigeenkii Ciidanka Badda Somaliland.