Itoobiya oo shaacisay tirada askarta lagaga dilay dagaalkay la galeen Al-Shabaab

Sarkaal sare oo ka tirsan militariga Itoobiya ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday xuduudda, isaga oo qirtay in tiro askar ah laga dilay ciidamada booliska dalkiisa, sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters.

Sarkaalka ayaa sheegay in Itoobiya laga dilay 17 askari oo boolis ah, balse ay Al-Shabaab ka dileen 63 dagaal-yahan. Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay dagaalka ku dishay 87 askari oo ka tirsan ciidamada Liyuu Boolis.

Weerarkan naadirka ah ee xuduudda Itoobiya ayaa Arbacadii dhacay kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerartay deegaanada Yeed iyo Caato ee gobolka Bakool, kadib markii maalmo ka hor laga dilay taliye sare, sida uu sarkaalka sheegay.

Inta badan Al-Shabaab ayaan weeraro ka gaysan xuduudda Itoobiya, si ka duwan xuduudda Kenya, sababo la xiriira ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda iyo dhul badan oo ka mid ah Soomaaliya kuna dhow xuduudda.

Sarkaalka Itoobiyaanka ah ee la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in taliye Al-Shabaab ah uu kasoo gudbay xuduudda, si uu unug ka tirsan kooxdaas uga aasaaso gudaha Itoobiya.

Inkasta oo sarkaalka Itoobiyaanka ah uu markii hore tirada khasaaraha gaaray ku sheegay 17 askari, haddana wuxuu goor dambe sharxay inay ku jiraan dad shacab ah.  

Afhayeenka militariga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa horey u sheegay in dagaal-yahanada ay qabsadeen Yeed iyo Caato, ayna dileen 87 askari oo Liyuu Boolis ah. Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro ay ku sheegtay khasaaraha dagaalka. 

Abu Muscab kama hadlin khasaaraha gaaray Al-Shabaab. 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Khamiistii amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaano ka mid ah ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen shalay.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada la weeraray.