Itoobiya, Suudaan, iyo afar waddan oo kale oo labo labo isku haya

Sudan Army

Waxaa dib usoo cusboonaaday xiisad colaadeed oo u dhaxaysa waddamada Suudaan iyo Itoobiya, xilli gobolka ay ku sugan yihiin ilaa afar waddan oo kale oo aan xiriir fiican lahayn.

Khilaafka xukuumadaha Khartuum iyo Addis Ababa oo in muddo ahba taagnaa ayaa hadda u muuqda mid cirka isku shareeray, waxaana laga cabsi qabaa in ay xaaladdu isu baddasho gacan ka hadal.

Bayaan maanta kasoo baxay ururka Midowga Afrika oo labada dalba ay xubno ka yihiin ayaa lagu codsaday in xiisadda la xakameeyo.

“Labada wadan ee walaalaha ah waa in ay khilaafkooda u xalliyaan si nabad ah,” ayaa lagu yiri bayaankaas oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha AU, Moussa Faki.

Itoobiya iyo Suudaan ayaa isku haya muran la xiriira xadka labada dal, dhowr jeer oo horena waxaa dhacay weerarro dhiig ku daatay oo ay labada dhinac isku eedeeyeen.

Muxuu ku saabsan yahay muranka?

Dalalka Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya muran dhanka xudduuda ah oo muddo dheer soo jiitamayay.

Labada dal ayaa waxay ku muransa yihiin gobolka lagu magacabo Al-Fashaqa. Dowladda Sudan ayaa sanadkan goobta xudduuda labada dal u daadgureysay militari badan.

Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha.

Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer taasi oo dhan 1,600 km.

Xudduudda waxaa horey u calaamadiyay dowladihii gumesyiga ee taliyaaniga iyo Ingiriiska.

Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo dhiggiisa Itoobiya, Abiy Axmed

Madaxda Suudaan iyo Itoobiya ayaa marar badan ka wadahadlay sidii loo xalin lahaa muranka labada dhinac.

Dhanka kale waxaa sudan iyo Itobiya khilaaf ka dhex abuuray biya xireenka wayn ee ay Itoobiya ka dhisayso webiga Nile, kaasoo sidoo kale saameynaya Masar.

Webigan Nile ayaa waxaa uu maraa dalalka sudan Masar iyo dalka Itoobiya. Suudaan iyo Masar oo daris ah ayaa ka wada tirsan ururka Jaamacadda Carabta, waxaana muuqata inay isku fakar ka yihiin arrintaas.

Dadka dalka Sudaan ayaa inta badan ku tiirsan biyaha webiga Nile oo beeraha iyo dadkaba ay isticmaalaan.

Marka laga soo tago Suudaan iyo Itoobiya, gobolka waxaa isku haya ilaa afar waddan oo kale, oo labo labo isugu dhacsan.

Kenya iyo Soomaaliya

Madaxda gobolka

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa marar kala duwan soo shaac baxday xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya.

Bartamihii bishan June ayuu mar kale soo cusboonaaday khilaafka labada dal kaddib markii ay soo baxeen warar sheegayay in danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” uu ka baxay shir uu madaxweynaha Kenya isugu yeeray safiirrada ku sugan waddankiisa.

Soomaaliya ayaa ka carootay in safiirradaas lagu soo daray wakiilka Somaliland u jooga Kenya, taasoo xukuumadda Muqdisho ay u aragtay tallaabo xad gudub ku ah madaxbannaanideeda.

Kenya ayaa maalintii xigtay raalligelin ka bixisay in calanka Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland uu kasoo muuqday goobta.

Ilaa hadda ma jiro heshiis toos ah oo labada waddan dhex maray oo ay ku xalligeen xiisadda u dhaxaysa oo dhowr sano soo taagnayd.

Waxaa arrintan xuddun u ah Muran dhanka badda ah oo u dhaxeeya labada dal islamarkana ay imika kiiskiisa gacanta ku hayso maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda, oo magaceeda loo soo gaabiyo ICJ .

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Jabuuti iyo Eretria

Madaxda Jabuuti iyo Eritrea

Dalalka jabuuti iyo Eretria ayaa waxaa u dhaxeeya muran dhanka xudduuda ah oo muddo dheer soo taagnaa.

Jabuuti waxay ku doodaysaa inay dhulka Doumeira iyadu leedahay, halka Eritrea ay qabto fakarka kaas kasoo hor jeeda, xadka labada dalna ilaa haatan waxaa jooga ciidamo xoogan oo labada dhinac ah.

Iskudayo hore oo dhacay laguma guulaysan in xal looga gaaro muranka xuduudda ee labada wadan u dhaxeeya.

Waxaa la sheegay in dagaalkii dhacay sanadkii 2008-dii ee labada waddan dhex maray ay Jabuuti gacan ka heshay dowladda Faranasiiska oo ah dalka Jabuuti horay usoo gumaystay, heshiis milateri oo taariikhi ahna ay leeyihiin.

Balse Faransiisku wuxuu sheegay in ciidankiisa aysan dagaalka ka qayb qaadanin.

Jabuuti waxaa dagaalkii u horreeyey looga dilay sagaal askari lixdan kalena waa laga dhaawacay.

Doumeira waa goob sidee ah?

Doumeira waa deegaan jasiirad yar ah oo badda ku yaalla, waxaana dega qowmiyada Canfarta oo ku nool wadammada Jabuuti, Itoobiya iyo Ereteriyaba. Waa meel muhiim ah, gaar ahaan dhinaca marinka badda.

Muranka labada dal wali wax xal ah lagama gaarin islamarkana waxaa labada dhinac-ba xudduuda ka jooga ciidamo badan.