Wakiilkii dalka Itoobiya u fadhiyey Hargeysa, ayaa loo dallacsiiyey derajada ‘ambassador’ oo ka dhigan in uu yahay safiir buuxa oo dalkaa u jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa Arbacadii magacawday 24 safiir, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Sidaas darteed, 24-ka safiir ee la magacaabay ayaa u kala qaybsanaa in 10 ka mid ah ay yihiin safiiro buuxa oo haysta awood dhammaystiran, halka 14-ka kalena loo magacaabay keliya safiir.

Mudanayaasha la siiyey safiirnimada buuxda waxaa ka mid ahaa safiir Delil Kedir Bushra, oo dalkaasi u fadhiya Somaliland.

Magacaabiddan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan dawladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay xidhay qunsuliyaddii dalka Itoobiya ku lahaa Hargeysa.

“In safiir buuxa Itoobiya u dallacsiiso Konsularkii Guud waxay ka dhigan tahay in Itoobiya xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay Somaliland la lahayd u dalacsiisay xidhiidh gaadhsiisan laba dal oo siman diblumaasiyad ahaan,” ayuu qabaa Cabdinaasir Axmed oo ah falanqeeye Arrimaha Geeska ah.

Tallaabdan ayaa uu sida oo kale Cabdinaasir sheegay in ay jawaab u tahay warkii ku aaddanaa xidhitaanka qunsuliyadda Hargeysa.

“Dabcan haa. Waa jawaab ku socota Soomaaliya in Itoobiya ay si cad u diidday inay xidho qunsuliyaddeeda, taas beddelkeedana u dallacsiiso safaarad dhammaystiran.”

Mr Delil, ayaa Dawladda Federaalka Itoobiya u soo magacawday qunsuliyaddooda Hargeysa horraantii sannadkii hore. Bishii March ee 2023 ayaa uuna Madaxweyne Muuse Biixi ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Safiir Delil, ayaa hore uga soo shaqeeyey meelo kala duwan oo ay ka mid tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka soo noqday xoghayaha labaad ee wasaaradda.

Halka dhanka kale uu sida oo kale ka soo shaqeeyey safaaradaha Belguim ee dalkaas iyo ta Finland oo uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta siyaasadda ee sare.

Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya

Waxay ahayd 1-dii bishii January markii heshiis is afgarad oo khuseeya Badda Cas ay magaalada Addis Ababa ku gaadheen Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ayaa ahaa mid Somaliland ay Itoobbiya uu oggolaanayso in ay deegaankeeda kaga kirayso dekad ganacsi.

Somaliland waxaa ay sida oo kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.

Falanqeeyeyaasha ayaana qaba in u dallacsiinta wakiilkooda Hargeysa ee safiir buuxa ay tahay jawaab ay ka bixinayaan sida uga go’an tahay hirgelinta heshiiskaas.

“Heshiiskii is-afgarad wax wayn ayay ka taraysaa in Ethiopia u dalacsiiso safiir buuxa Qunsulkeeda Guud. Waxay muujinaysaa ka go’naanshaha Ethiopia inay ka dhabaynaysoninay Somaliland u awoonsanayso dal madax banaan” ayuu BBC-da u sheegay falanqeeye Cabdinaasir Axmed.

Hase ahaatee, falcelinta ka dhalatay heshiiskan ayaa ahayd mid aad u kala duwan iyada oo qaar ka mid ah waddmmada beesha caalamku ay ka falceliyeen, kuwaas oo badankoodu sheegay in ay taageersan yihiin ‘madaxbannaanida’ Soomaaliya, iyaga oo aan dhanka kalena si cad u duraynin Somaliland iyo Itoobiya.

Heshiiskan ayaana la soo werinayaa in dhinacyadu ka shaqaynayaan hirgelintiisa, taas oo guddiyadii farsamo ee loo saaray ay gebagebo marinayaan