Writen by Qaran News |

tacsi
Tacsi Tiiraanyo Badan

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Haddaanu nahay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magalaada Birmingham (UK) iyo nawaaxigeeda waxaanu tacsi tiiraanyo badan u soo gudbinaynaa guud ahaan reer Sheekh Cismaan Nuur oo ku kala sugan dunida daafadaheeda iyo si gaar ahaanna reer Maxamed Sheekh Cismaan geerida naxdinta leh ee ku timi marxuum Maxamed Cabdikhaaliq Sheekh Cismaan oo lagu aasay magaalada Birmingham maalintii Salaasada ee taariikhdu ahayd 30/09/2015. Maxamed oo ahaa nin dhalinyara ah oo magac iyo maamuus ku lahaa bulshada iyo dhalinyarada dhexdooda saaxiiba badanna lahaa. Waxaannu si gaar ah uga tacsiyadaynaynnaa geeridaas naxdinta leh siiba labadiisa waalid , Cabdikhaaliq Maxamed Sheekh Cismaan iyo Shafiiqa Aadan iyo walaaladii iyo asxaabtiisa dhammaan. Illahay waxaanu uga baryaynnaa inuu marxuumka Jannaatul Firdawsa ka waraabiyo eheladdiisana samir iyo iimaan ka siiyo cawil khayr qabana ugu bedelo.

Jaaliydda reer Somalilnd- Birmingham (UK).