Jaamac Shabeel oo si Adag u Cambaareeyay Muuse Biixi iyo Saleebaan Gaal
Hargeysa(Qaran news)-Siyaasiga Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa cambaareeyay hadalkii ka soo yeedhay Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ee ahaa inay dagaalamayaan beel reer iyo Somaliland inteeda kale. Kaasi oo kiciyay cadho badan.
Jaamac Shabeel wuxuu sheegay in Somaliland aany waxba iska hagran oo wuxuu doono yidhaahdo. Waxaanu ku eedeeyay in waxa dhacayaa ay yihiin talada xun ee Muuse Biixi iyo Saleebaan Gaal.
Jaamac Shabeel waxa kaloo uu sheegay in ergada beesha Habarjeclo ay mowqifkooda caddeeyaan si ergonimadoodu u sugnaato, hadhowna ay ciddii diida uma u caddeeyaan.
Jaamac oo galabta qaar ka mid ah warbaahinta u warramayey, wuxuu madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay inuu wax ka yar 24 saacadood gudahood uu ku buriyay dhexdhexaadintii ergada Habarjeclo oo uu sheegay in la soo qabto kooxda Buurta Gacan-libaax.
Waxa kaloo uu been ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Wasiir Maxamed Kaahin ee ahaa in murrashax Cirro ka dambeeyo kooxda Buurta gashay, waxaanu ku dooday in aanu Cabdiraxmaan Cirro doonayo doorasho oo anay suurtogal ahayn inuu dhallinyaradaas abaabulo.
Jaamac Shabeel wuxuu ku eedeeyay Xukuumadda inuu ka dhammaaday caqliyadii, xalka ay doobaysaana tahay xabad.