Jabhada buurta Gacanlibaax ayaa maanta raacii labaad iyo baabuurtii ay hor u afduubteen ku wareejiyay gudida beelaha Garxajis waxana ay sheegeen in iyaga wax danbe oo matalyaa ayna jirin isla sidaasina ay nabadii ku qaateen.
Waxana ay beeniyeen in shuftada baabuurta afduubanaysaa ayna iyaga ka tirsanayn haday noqoto kuwii Shoqoshay tagay iyo kuwa maanta baabuurka Burco ka afduubtay
Afhayeenka jabhadaasi u hadlay waxa uu sheegay in ayna wax danbe oo buurtaasi kaga hadhay ayna jirin, wixii faldanbiyeed haystana ay meel uga soo wada jeedsanayaan.
Jabhadii Gacanlibaax sidaasi ayay ku soo afjarantay maanta qofkii magaceeda is yidhaa ku qadhaabana waa danbuile waana in xukuumaddu talaabo adag ka qaadaa sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah ciidanka jabhadaasi ee nabada qaatay kana faa’iidaystay cafiskii xukuumadda iyo waanadii hogaamiye dhaqamoodkooda