Jasiirad yar magaceedana aad loo aqoon ooSoomaaliya ugu deeqday lacag+waxa loogu talogalay

Bilihii ugu dambeeyay abaaro ba'an ayaa sameeyay qeyba badan oo ka mid ah Soomaaliya
Image caption: Bilihii ugu dambeeyay abaaro ba’an ayaa sameeyay qeyba badan oo ka mid ah Soomaaliya

Guddiga arrimaha gargaarka u qaabilsan jasiiradda Guernsey ayaa ballan qaaday in £98,080 lacagta giniga ah ay ugu deeqeyso Soomaaliya iyo South Sudan si looga caawiyo dadka ay abaaraha saameeyeen iyo fataadaha South Sudan.

Guernsey waxay sheegtay in 55,837 doolar ay ku wareejineyso hay’adda caalamiga ah ee Plan si biyo, cunto, dawo iyo adeegyo kale loo gaarsiiyo dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool Soomaaliya.

Sidoo kale waxay 53,712 ku wareejisay hay’adda Humanitarian Aid Relief Trust (HART) si loogu taakuleeyo dadka ay fataadaha saameeyeen ee ku sugan South Sudan.