Jeneralka uu dhalay Madaxweynaha Uganda oo Twitter-ka soo dhigay Qoraal kale oo hadal-heyn weyn dhaliyay

Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa mar kale qabsaday hadal-heynta baraha bulshada ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray farriin uu u dirayay haweenka.

“Dumaroow fadlan isdejiya! Aniga waxaa la i qabsaday 23 sano ka hor, waxaana i qabsatay boqorad lagu magacaabo Charlotte. Murare gye!2 ayuu kusoo qoray Twitter-ka.In ka badan 650 jeer ayaa lasii faafiyay qoraalkan oo dad badan soo jiitay.

Dadka ka falcelinayay ayaa u muuqday in ay u fahmeen in Muhoozi uu ka cabanayo gabdho daneynayay isaga.

Image