Muuse iyo dhawrka qof ee u adeega, ee Saleebaan-gaal ka mid yahay waxa ay muujiyeen masuuliyad daro aad u weyn. Wixii doonaa ba ha ka dhaceen ee sida Muuse doonaayo ayaa gar iyo gardarro ba sax ah weeye iyaka dooddoodu. Eeg, ilaa hadda Xisbiyada oo keliya ayaa sharciga u hogaansan, oo dhaqanka u hogaansan, oo xeer iyo xeer jajab ba ogol, laakiin mid baanay ilaa hadda ogolayn, abidkoodna ogolaan doonin; waa doodda ah si walba Muuse ayaa u saxan, wixii uu isagu doonaayo ayuun baana sharci ah, wixii aanu doonayn na, waa sharci darro. Taasi dhici mayso. Hadaba, imika jid kasta oo loo ga jeeday in mushkiladda jirta la gu furdaamiyo waa soo xidheen dhawrkan qof ee qayrul masuulka ahi, culimo, iyo dhaqan, iyo ganacsato, iyo baarlamaan na intaba waa diideen ee maxaa xiga? Waxa xiga in Saleebaan iyo Muuse ba xil ka xayuubin la gu sameeyo, hadii ay taasi suuroobi weydo na, waa in la is la meel dhigo runta ah in jidkii siyaasaddu soo xidhmay.
Maxamed  Haaruun Biixi