John F.Kennedy,C/rashiid Cali Sharmaarke, Gaandi & madaxdii kale ee la khaarajiyay

Kulankii taarikhiga ahaa ee madaxweynihii Maraykanka John F. Kennedy iyo Ra'isulsulwarihii Soomaaliya Cabdirishiid Cali Sharma'arke

Taariikhda, caalamka waxaa ka dhacay dilal badan oo siyaasadeed, kuwaas oo leh sababo iyo ujeeddooyin kala duwan.

Qaar waxay sababeen dagaallo dhiig badan ku daatay iyo burbur weyn halka kuwo kalena ay taariikhda wax ka beddeleen. Marka la soo koobo, kuwani waa qaar ka mid ah dilalkii siyaasadeed ee dhacay.

Shinzo Abe

Shinzo Abe

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Raysal wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa lagu toogtay isu soo bax olole doorasho isbuuc ka hor, ka dibibna wuxuu ku dhintay isbitaalka.

Muuqaal laga duubay ayaa muujinayay tuhmanaha oo dhulka lagu lagday goobta uu falka ka dhacay.

Abe ayaa diyaarad loogu qaaday isbitaal, halkaasoo uu markii dambe ku geeriyooday. Weerarkan oo ka dhacay afaafka hore ee saldhig boolis ayaa waxaa lagu dilay labo askari, waxaana ku dhaawacmay saddex kale, sida ay sheegeen saraakiisha.

Shinzo Abe wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee Japan

Mahatma Gandhi

Mahatma Gandhi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Fiidnimadii Janaayo 30, 1948, Natoram Vinayak Godsey ayaa saddex xabbadood ku dhuftay Mahatma Gandhi oo ahaa aabihii xoriyadda ee Hindiya.

Waxa uu ka soo baxayay goob laga dukaameysto oo ku taal New Delhi markii la tooganayay.

Godsey, oo sagaal jir Hinduu ah, xubinna ka ah kooxda u dhaqdhaqaaqa garabka midig ee Hindu, ayaa Gandhi ku eedeeyay inuu khiyaamay xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta iyo hannaanka nabadda iyo dib u heshiisiinta Pakistan.

GF Kennedy

GF Kennedy

Dilkii Madaxweynihii hore ee Maraykanka GF Kennedy ee dhacay sanadkii 1963-kii ayaa ahaa dilkii ugu weynaa ee la xiriira siyaasidda, ilaa hadda lama oga sababaha loo dilay.

Nofeembar 22, 1963, markii la tooganayay Kennedy wuxuu ku jiray kolonyo baabuur oo ku sugnayed Dallas . “Gudoomiyaha gobolka Texas, oo markaasi fadhiyay madaxweynaha hortiisa, ayaa isna dhaawacmay.”

Lee Harvey Oswald ayaa loo xiray dilka madaxweynaha, balse wuu diiday eedeymahaas.

Nofeembar 24, Lee Oswald waxaa toogtay Jack Ruby, oo ah mulkiilaha goob lagu caweeyo oo ku taal Degmada Booliska Dallas.

“Ma jirto wax caddayn ah oo muujinaya in Harvey Oswald ama Jack Ruby ay qayb ka ahaayeen shirqoolka lagu dilay madaxweynaha.

Malik Faysal bin Cabdulaziz Al Sacuud

s

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Maarso 25, 1975, Boqorkii saddexaad ee Sucuudiga, Faysal bin Cabdulcasiis Al Sucuud, waxaa dilay walaalkiis Amiir Faysal bin Masad.

Rasaas ayaa madaxa looga dhuftay balse ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysay.

Faysal waxa uu ku dhashay Riyaad waxa uuna xukunka hayay 5 ilaa 6 sano. Waxa uu ahaa nin caan ka ah dalalka Carabta.

Wuxuu diiradda saaray horumarinta dhaqaalaha iyo waxbarashada, dib u habeynta maamulka maaliyadda ee dowladda iyo saameynta shirkadda shidaalka ee Aramco ee dalka.

Cabdirishiid Cali Sharma’arke

Cabdirishiid Cali ayaa noqday Ra'isulwasaare iyo madaxweynaha Soomaaliya xiliyo kala duwan ka hor intii aanan la dilin

Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay ayaa toogasho ku dilay 15kii bishii Oktoobar 1969kii,isagoo booqanaya gobolada Waqooyiga Soomaaliya halkaas oo ay abaaro ka dhaceen.

 Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay ciidamadii dalka talada xoog kula wareegeen iyada oo wali lagu jiro baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay.

Waxaana 21kii Oktoobar 1969kii dalka Madaxweyne ka noqday S/Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

 Anwar Saadaat

Anwar Saadaat

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

October 6, 1981, Khaled al-Islambouli ayaa toogtay madaxweynihii Masar Anwar Saadaat, xilli uu ku guda jiray dhoolatus milateri oo lagu xusayay dagaalkii 6-dii Oktoobar ee Israa’iil, isagoo ku dhex dilay ciidamadiisa iyo taliyayaashiisa.

Khaalid Al-Islambouli, ayaa ah qofka 1-aad ee looga shakisan yahay baaritaanka dilka ka dib, xubinna ka ah ururka xagjirka ah ( Jamaacada Islaamka).

Sadat waxa uu xukunka qabtay 1970-kii kadib geeridii Madaxweyne Gamal Abdel Nasser.

June 29, 1992, Madaxweynihii hore ee Algeria Mohamed Boudiaf ayaa khudbad ka jeedinayay xarun dhaqameed ku taal bariga magaalada Annaba. Dhowr saacadood ka dib waxaa soo baxay warka ku saabsan dilka Mohammad Bouziaf.

Boudiaf waxa uu ahaa shakhsi taariikhi ah oo ka tirsan jabhaddii Aljeeriya ee ka soo horjeeday gumaysigii Faransiiska, isla markaana waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Jabhadda Taxriir.

Wuxuu khilaaf kala dhaxeeyay madaxweynihii hore Axmed Bin Billa tan iyo markii uu xornimada qaadatay labo sano ka hor markaasi.

Waxa uu ku laabtay Afgaanistaan ​​balse waxa uu dalku wajahayay qalalaase siyaasadeed. Jabhadda Islaamiga ah ayaa ku dhawaaqay in la baabi’iyay natiijada doorashada.

Kadib sideed maalmood oo uu xukunka hayay Boudiaf waxaa toogtay nin ilaalo u ahaa oo la yiraahdo Mubarak.

Benazir Bhutto

Benazir Bhutto

XIGASHADA SAWIRKA,CARL DE SOUZA

Raysal wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay isu soo bax ka dhacay magaalada Rawalpindi December 27, 2007.

Bhutto waxay ka tirsanayd qoys caan ka ah. Aabaheed, Zulfiqar Ali Bhutto, wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Pakistan muddo afar sannadood ah.

Bhutto waxa uu ku dhashay Sindh sannadkii 1953-kii, waxa uu wax ka bartay Jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska iyo Jaamacadda Howard ee dalka Maraykanka.

Bhutto ayaa laba jeer soo noqotay ra’iisul wasaaraha Pakistan.