Ka daryoo Saceenii Dibi Buu Haddana Dhalay

Sida aan u arko qorshaha madaxwayne Muuse Biixi wax kale maaha ee waxa ka go’an in aan labadan doorasho midna qabsoomin, waana sida ay xaaladdu hadda ku socoto.
Doorashada Madaxtooyada ee 13 November way muuqataa oo ma qabsoomayso. Yaanay qabsoomin eh goor kale oo heshiis lagu yahay in la qabtaana ma jirto. Xataa goorta ay doonto haba qabsoonto eh ma ogola Muuse in labada doorasho siday u kala horeeyeen loo kala horqabto iyo xataa sidii ay soo jeediyeen ganacsatadii iyagu isxilqaamay in labada doorasho mar la wada qabto oo dabcan noqon lahayd xal dhaama xal la’aanta uu wado.
Muuse wuxu sheegay in labada xisbi ee WADDANI IYO UCID ay xisbinimadooda ku waayi doonaan, hadii ay qorshihiisa diidaan, sidii uu xisbigii UDUB ku waayay xisbinimadiisa xiligii Doorashadii Golayaasha Degaanka ee 2012kii, isaga oo madaxwaynuhu u qiil samaynaya qorshaha uu ka leeyahay doorashada uu isagu dabada ka riixayo ee aan ila hadda u muuqanin in ay suurogeli karto.
Marka hore doorashadii 2012kii iyo tan uu isagu dabada ka riixayaa maaha laba doorasho oo la isbarbar dhigi karo ama xataa isku duruufba ah.
Doorashadii 2012kii waxay ahayd doorasho la isla ogol yahay oo sadexda xisbi qaran aanu jirin mid keliya oo diidanaa wax khilaaf ah oo ka jirayna aanu jirin. UDUB oo gudihiisa khilaaf ka jiray gudoomiyihii oo Dahir Rayaale ahaa iyo Gudoomiye xigeenkiisii oo Axmed Yuusuf Yaasiin ahaana ay laba dhinac kala hogaaminayeen xaaladuna ay gaadhay ilaa Maxkamad in la isla galo.
Taas ayaa keentay UDUB xisbI ahaan in uu awoodi waayo dhiibashadii liisaskii musharaxiintia doorashada uga tartami lahayd xisbiga. Hadana UDUB xisbinimadiisii wuxu si rasmi ah u lumiyay ka dib markii ay soo baxday natiijadii doorashada uu iskii uga baaqday ee WADDANI oo urur siyaasadeed ahaa uu ka mid noqday sadexdii xisbi ee ku soo baxay doorashada
Ta kale doorashadii 2012 waxa ku tartamay sida xeerku yahay xisbiyo iyo ururo. Lama odhan sadexdii xisbina waxay noqdeen ururo, sida uu Muuse Biixi hadda inaga iibinayo, weliba xisbiyada qaranka oo ahaa kuwii ku soo baxay doorashadii ugu horaysay ee Golayaasha Degaanka bishii December 2002. Shahadadaha xisbiyada oo muddo 5 sanadood ahayd waxay burayeen December 2007dii. Hadana lama odhan waxay noqdeen ururo ee waxay ku tartameen doorashqdii madaxtooyada 2010kii iyo doorashadii Golayaasha Degaanka 2012kii, iyaga oo shahaadadahoodu ka dhacsanaayeen ku dhawaad 5 sanadood.
Doorashadii 2012 maadaama ay sadexda xisbiba heshiis ku ahaayeen waxay dalka oo dhan uga qabsoontay si nabadgelyo ah
Maanta Muuse wuxu taagan yahay xisbiyadii qaranka oo weli aanay xataa muddadoodi dhamaanin ayaa noqday ururo. Saacaddan la joogana Somaliland ma laha xisbiyo qaran. Taas oo si toos ah uga horimanaysa dastuurka Somaliland oo cadeeyay in Somaliland ay yeelanayso sadex xisbi qaran. Marxalad aanay Somaliland ka jirin sadex xisbina dastuurku oo ah sharciga ugu sareeya Somaliland ma sheegin ee Muuse Biixi baa sheegay.
Doorashadan hadaba uu Muuse Biixi wadwado anigu waxan leeyahay ma suurogelayso. Meel gaaban ayaan idinka tusayaa. Hadii aynaan idhaha istirayn Somaliland waa beelo, siyaasadda iyo qabyaaladuna inooma kala soocna. Waynu og nahay oo xataa goobaha codbixinta ayaa reero loo kala leeyahay oo la yaqaan reer walba goobaha sanaaduuqda u gaarka ah. Marka sidaa tahay doorasho sadexdii xisbi laba aanay ogolayn welina ay taagan yihiin 13 November waxa heshiis lagu ahaa in dooraahada madaxtooyadu ay qabsoonto, ha yeeshee hadii aanay qabsoomayn waxanu diyaar u nahay in laga wadlo halka looga dhaqaaqayo ee kale si doorashooyin heshiis lagu yahay ay si nabadgelyo ah inoogu qabsoomaan. Taas Muuse Biixi waa loogu taag waayay cid kasta oo isku dayday in bal wax la isla eego si khilaafka siyaasda ee la xidhiidha doorashooyinka meesha looga saaro waxa gaashaanka ku dhuftay Muuse Biixi.
Hadaba suurogal ma tahay doorasho sanaaduuqda la gayn karo goobaha madaxwaynaha reerkiisa, habar awal oo dhan balse aan hal sanduuq la gayn karin goobaha reerka Garxajis oo aynu naqaano inta gobol iyo magaalo ee Somaliland ay ka degaan. Weliba marka uu dibadda dhigo, sida uu ku taamayo labada xisbi ee WADDANI iyo UCID. Maya hadii wax kastaa ka dhacayaan ma qabsoomi karto eh ninka ku daalayaa ha ku daalo.
Labadan reer tusaale ayuun baan u soo qaataye taageerayaasha mucaaridka oo dhan iyo weliba cid kasta oo danaynaysa nabadgelyada Somaliland ma ogolaan karto. Sidaa daraadeed 70% goobaha codbixinta dalka kama qabsoomi karto weliba si nabadgelyo ah doorasho aan heshiis lagu ahayn sidii ay ahaayeen dhamaan doorashooyinkii hore ee dalka ka qabsoomay
HALGANWATCH
CALIGUREY
May be an image of 1 person