Writen by Qaran News |

Dooddi ku saabsanayd aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu qabtay Baarlamanka Ingiriiska Salaasadi dhawayd ayaa waxa kasoo baxay arimo saamayn ku yeelan doona mawqifkii dawladda UK ee ku aadana aqoonsiga Somaliland ee ku salaysna in arintaasi tahay mid u taala Somaliland iyo Somalia oo ay wadahadlaan si ay go’aan uga gaadhaan halka uu xidhiidhkoodu  mustaqbal ahaan ku dambayn doono israac iyo kala go’ kay doonto ha noqoto’e.Dawladaha EU da iyo Maraykanka ayaa iyaguna taagnaa mawqif la mid ah kan Ingiriiska.Dawladaha Afrikaanka iyo Carabta iyo labadooda urur ee AU iyo Jaamacadda Carabta ayaan iyagu aan wali istaagin mawqif cad oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland oo loogu soo hagaagi karo dhinaca u doono ha u janjeedho ‘e.

Hadaba doodi barlamanka Ingiriisku waxay muujisay in muxaafid iyo mucaaridba ay xildhibaanada iyo axsaabtooduba isku raacsanyihiin:

1.In Somaliland ay dal ahaan iyo dawlad ahaanba xaq u leeahay inay aqoonsi ka hesho bulshada caalamka.

2.In dalka Ingiriisku gabay Somaliland oo ay hadda tahay inuu aqoonsado Somaliland oo kaliya maahee inuu waliba gadhwadeen ka noqdo sidii ay Somaliland aqoonsi uga heli lahayd dalal kale.

3.Inay qalad tahay in xukuumadda UK ay aqoonsiga Somaliland ku xidho wadahadalo ay Somaliland la gasho dalki ay sodon sanadood ka hor ka go’aday ee Somalia oo cid ka talisaa aanay jirin taasoo la mid ahaan lahayd dalka Bangladesh hadii madaxbanasnidiisa loo weydiin lahaa Pakistan oo ahaa dalkii ay ka go’aysay sanadkii 1971.

4.In reer Somaliland ay dagaalki kowaad iyo kii labaad ee aduunka ay la dagaal galeen dalka Ingiriiska iyadoo labadaas waqtigiba ay khatar gashay xornimadi dadka Ingiriisku,maantana ay sharafta iyo gobonimadu ku jirto in Ingiriisku  daynkaa iska celiyo oo uu si dhab ah isku garab taago baadigoobka Somaliland ugu jirto xornimadeeda iyo aqoonsigeeda.

Marka aynu ognahay in dawladda  Ingiiriisku ku dhisantahay nidaamka baarlamaaniga ah ee raiisalwasaaraha  dalku xilka ku waayi karo cod kalsooni ah oo baarlamanku u qaado waxaad fahmi karta in hadda wixi ka dambeeya uu xukuumadda Ingiriidka fuili doono culays misaan leh oo ay wax kaga badasho mawqifkeedii hore ee ku aadana aqoonsiga Somaliland iyadoo la filayo inay la jaanqaaddo mawqifka midaysan ee ay axsaabta siyaasaddu iska taageen taageeradana u muujiyeen aqoonsiga Somaliland.

Shaki kuma jiro in siyaasadii aheyd in wadahadal lala yeesho Somalia ee ay la yimadeen David Cameron iyo Hilary Clinton shirki London ee 2012 ay dhaawac iyo dibu dhac weyn gaadhsiisay qadiyadi aqoonsiga Somaliland oo ay siyaasaddaasi awood aanay lahayn siisay VillaSomalia iyadoo  meelo badan oo aduunka wadahadaladaas loo fahmay qaar ujeedadoodu tahay sidii ay Somaliland dib ugula midoobi lahayd Somalia .Diblomaasiyiinta fadhiya Xamar ee Xalane ku go’doonka 24 saacadood iyo qaar ka mid ah dawladaha gobolka ayaa iyaguna shaqo ka dhigtay wadahadaladi oo horbooday dhinacay doonaanna u jiheeyey oo xata ma jirin dawlad weyn oo dhexdhexaadiye iyo damiin ka noqota.Garawshiyo iyo aqoonsi ay Somaliland ka hesho Somalia daayo dhawrki qodob ee lagu heshiiyey sida in hawada la wada maamulo VillaSomalia away kaga baxday.

Hadda xukuumadda Somaliland waxay ku khasbanaanaysa inay bartooda ku joojiso wixi la odhanjiray wadahadalada Somaliland iyo Somalia isla markaana ay iska awdo galdaloolooyinka wax u dhimaya madaxbanaanida dalkeeda sida xafiiska UNSOM ee ka furan Hargeisa oo ay tahay in degdeg loo xidho isla markaana aanay ogolaanin in hayad magaca Somalia ku shaqaysa oo xarunteedu Xamar tahay ay ka hawlgasho Somaliland.Ma jirto sabab uu UN-ku ku diido inay sameeyaan mission ah  UN Somaliland sidii ay ka yeeleen Koonfurta Sudan ka hor intaanay kala go’in Khartoum.Sido kale ha la joojiyo safiirada Xamar fadhiya ee booqashada ku yimaadda Somaliland oo waa in dawladahooda loo sheegaa inay soo wakiishaan safaaradahooda ka furun Nairobi ama Djibouti ama Addis Ababa.Xaalku waxa weeye yaanan ahaanin dal la aqoonsanyahay laakiin dhab ahaan waxan ahay dal madaxbanaan oo iskii u jira ee sidaas iigu soo talo gal ama iga joog,ma cidba lacag kagu leh.

 

 

Yusuf Abdi  Gaboobe