Kaaliyihii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsaneyd Afrika ayaa sheegtay in Jabuuti ay ka mid tahay dalalka aan doonayn Aqoonsiga S/land.

 

Jendayi Frazer, ayaa sharraxaad ka bixisay mowqifka uu Mareykanku ka qabay goonni-isu-taagga Somaliland, xilligii ay shaqeyneysay.
Wareysi ay Frazer siisay hay’adda madaxa bannaan ee xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee fadhigeedu yahay Mareykanka ayay ku sheegtay in dowladdeeda ay markii hore ka sii jeedday arrimaha Somaliland.
Balse waxa ay shaaca ka qaadday in wixii ka dambeeyay 2001-dii uu Aqalka Cad “il gaar ah ku hayay” hannaanka ay ku socotay Somaliland.
Koonfur Afrika ayaa ka mid ahayd waddamada sida xoogga leh u taageerayay in gooni isu taagga Somaliland la aqoonsado.
Sidoo kale Kenya iyo Itoobiya ayaa u dabacsanaa in ay taageeraan madaxbannaanida Somaliland, sida ay wareysigan ku xaqiijisay Jendayi Frazer.
Hase yeeshee waddamada Jabuuti iyo Uganda ayaa si wayn uga soo hor jeeday mowqifkaas, sida ay hadalka u dhigtay.