Saynis yahanada ayaa sheegay in ay hayaan caddaymo cusub oo muujinaya in nooc ka mid ah kaneecada faafisa cudurka duumada oo ka timid qaaradda Aasiya ay ku faafeyso qaaradda Afrika, halkaasi oo ay khatar “gaar ah” ku keeni karayso tobanaan milyan oo qof oo deggan magaalooyinka.

Afrika, oo laga diiwaan geliyay in ka badan 95 % dhimashada uu sababay cudurka duumada oo gaartay 627kun oo qof adduunka oo dhan sanadkii 2020-kii, ayaa kaneecadu waxay inta abdan ku faaftaa deegaananda miyiga fog ku yaal oo ay ku badan tahay kaneecada Anopheles gambiae.

Kaneecada Anopheles Stephensi, oo muddo dheer ahayd mid cudurka duumada ugu weyn ee ku faafiso magaalooyinka waddaamda India iyo Iran, ayaa hadda la leeyahay waxay ku tarmi kartaa meelaha biyaha lagu keydsado ee magaalooyinka, taasi oo la micno ah in ay tarmi karto xilliyada abaaruhu xitaa ay jiraan.

Waxa kale oo ay u adkaysi u leedahay sunta cayayaanka lagu buufiyo ee sida caadiga ahi loo isticmaalo.

Cilmi-baaris la sameeyay 2020 ayaa lagu ogaaday in haddii nooca kaneecada ee Anopheles Stephensi ay si weyn ugu faafto Afrika, in in ka badan 126 milyan oo qof oo ku nool 44 magaalo ay halis ugu jiraan cudurka duumada.

Shalay oo Talaado ahayd ayaa cilmi-baarayaashu waxay daaha ka qaadeen caddaymihii ugu horreeyay ee muujinaya in cudurka duumada ee ka dillaacay dalka Itoobiya horaantii sanadkan ay keentay nooca kaneeda ee Anopheles Stephensi.

Magaalada Diridhaba ee ku taal bariga Itoobiya, oo marin u ah isu-socodka caasimadda Addis Ababa iyo Jabuuti, waxaa sanadkan 2019-kii laga soo sheegay 205 xaaladood oo duumo ah.

Si kastaba ha ahaatee sanadkan in ka badan 2,400 xaaladood ayaa la soo sheegay intii u dhaxaysay Jannaayo iyo May.

Anopheles Stephensi ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in laga helay Soomaaliya, sida ay sheegtay WHO, oo bishii September bilowday hindise ay ku joojineyso faafitaanka kaneecada ee Afrika.

Natiijooyinka ayaa yimid kaddib markii Machadka Cilmi-baarista Caafimaadka ee Nigeria uu xaqiijiyay bishii Luulyo in uu markii ugu horreysay laga helay Anopheles stephensi Galbeedka Afrika.