Writen by Qaran News |

Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ugu dambeyntii go’aan xukun ah ka gaartay dacwad mudo socotay oo loo heestay Matt Bryden, Agaasiimaha Hay’adda SAHAN ee  ka shaqayn jirtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan cilmi barista siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Dacwadaan oo soo bilaamatay sanadkii 2016 ayey Matt kala dhaxeysay Mr. Taiwo Babatunde oo hadda ah madaxa siyaasada ee AMISOM marna la shaqeeyn jiray SAHAN waxna ka soo aasaasay.

Dacwadaha loo haystay Matt Bryden waxaa ka mid ahaa.
1- Inuu ku xad gudbay sharciga shaqaalaynta iyo shaqaalaha ee dalka Kenya.
2- Waxuu duudsiiyay xaq iyo gunooyin uu lahaa Mr. Babatunde.
3- La lahaanshahii Hayada SAHAN oo uu ku balan furay.

Matt Bryden

Kadib dhageysi iyo is difaac gal-dacwadeed maxkamad oo mudo ka badan sadex sano soo socotay ayey ugu dambeyntii maxkamadda oo uu hogaaminayay xaakimka lagu magacaabo ONESMUS N. MAKAU waxeey ku heshay Matt Bryden inuu ku xad gudbay sharciga shaqaalaha rayidka ee numberkiisu yahay 41 iyo 45 kuna xukuntay sidan soo socoto.

Mr. Taiwo Babatunde

Taariikhdu markay ahayd 22dii November 2019 Inuu siiyo Mr. Taiwo lacag gaaryeeyso USD 12,000 oo isugu jirta mushaar la duudsiiyay iyo Mag-dhaw ku xad gudub shaqsiyadiisa. Inuu agaasiimaha ururka SAHAN ee Matthew Bryeden ( Matt Bryden ) baxiyo mag-dhow yadaan siiyana Mudane Taiwo Babatunde.
Inuu siiyo Mudane Taiwo waraaq cadaynaysa in uu la shaqeeyay hayada SAHAN.

Hay’adda SAHAN iyo Matt Bryden ayey Dowlada Soomaaliya ka mamnuucday sanadkii 2017 in ay ka shaqayso dalka Soomaaliya ka dib markii sirkdoonka Soomaaliya helay cadeeymo xaqiijinaayo in uu Matt iyo Hay’addiisu ay sameeyeen hagardaamooyin ka dhan ah qaranimada Soomaaliya.

Read English version