Writen by Qaran News |

Dadka isticmaala shirkadaha isgaadhsiinta dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa si rasmi ah uga farxay tallaabada khadadka teleefoonada dib la isugu furay oo hadda ay teleefoonada isku diri karaan iyagoo kala joogo labada dal.

Dadka qaar ee ku kala sugan Itoobiya iyo Eritrea ayaa markiiba billaabay inay la xdhiidhaan ehelkooda degan deegaannada xadka.

Shirkadda isgaadhsiinta Itoobiya ayaa malaayin farriimo ah u dirtay macaamisha isticmaala teleefoonada oo ay shaaca ka qaaday in khadadka telefoonada Eritrea hadda si rasmi ah loo furay.

Isniinti hoggaamiyeyaasha labada dal waxay ballan qaadeen inay soo afjarayaan colaadda xadka.

Waxay sidoo kale sheegeen in dib loo furayo isgaadhsiinta taaso labada dal ay kala xidheen tan iyo sannadkii 1998-dii, waggaasi oo uu bilaawday dagaalka xadka.

Dadka qaarkood waxay si jeesjees ah ay uga hadlayaan tallaabadan ‘waxay leeyihiin waxaan dib u wacaynaa dadkii nasoo wacay sannadkii 1998-dii’ waxaana kamid ah dadkaasi weriye u shaqeeyo wakaaladda wararka ee Reuters.

Aaron Maasho@AaronMG

After the restoration of phone connections between Ethiopia and Eritrea, someone in Addis Ababa receives a phone call from Asmara: “Did you try to call me? Saw a missed call from 1998.”  (Via @Addisale)