Writen by Qaran News |

Khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Badhan

 

Hal askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay dagaal shalay oo Jimce aheyd Ciidamo ka wada tirsan Puntland ku dhex maray gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Badhan-Sanaag.

Goob-joogayaal ku sugan Mgaalada Badhan ayaa ku soo warramaya in rasaas culus oo laba dhinac ka dhacaysa laga maqlay gudaha Garoonka Diyaaradaha Badhan

Labada Ciidan ee dagaallamay waxaa mid kood ka amar qaataa Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil halka Ciidanka kale uu ka amar qaato nin sarkaal ah oo lagu magacaabo Col. Cintile

Khasaaraha Dhimashada Dagaalka ayaa ilaa inta la og yahay waxaa ku dhintay Marxuum lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Saalax Shire (Libaaxo) oo la sheegay in uu Gaandheri u ahaa Ciidanka ka amar qaata Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku sugan Airport-ka Magaalada Badhan.