Khilaafka Siyaasiga ah waxa lagu xaliyaa xal siyaasiya, Wax door ahina ugama banaana madax dhaqameedka.

Arinta laascaanoodna waxay u baahan tahay Xal siyaasiya, waxaanan cod dheer ku leeyahay waar shacabka reer Sool waa Somaliland, ciidamada jiida hore joogaa iyo deegaanada taleex iyo Xudun iyo inta u deegaanka ah ee ceerigaabo, xabad iyo xoog ciidanku kumay tagin ee heshiis siyaasiya ayay ciidanku xadka ku tageen, iskuna diiwaan galiyeen 2016kii, bud-dhigna waxa u ahaa shirkii awr boogays iyo heshiiskii Khaatumo.
Tabashada reer Sool iyo heshiiskii siyaasiga ahaa Ee Khaatumo lagaga baxay ee cali khaliif galaydh, iyo dilalkii haldoorka reer Sool, oo waydiinteeda iyo ka jawaabisteedu haayadaha amniga iyo xukuumada u taalo iyo waliba khasaaraha naf iyo maalba leh ee laga baaqsan karayay ee shacabkii calankooda hoostiisa ku dacwoonayay xabada jawaabta looga dhigay iyo in kaloo badan maaha mid u taala madax dhaqameedka Somaliland, mana aha mid masuuliyadeeda uu cidkale kaga baxsan karo Madaxwayne Muuse Biixi.
Hoggaan xumadu waxay ka daran tahay col iyo abaar, waxay horseeda colaado iyo qalalaase, faqri iyo dib u dhac umadeed.
Intii labada dhinac ku dhimatay ilaahay ha u Naxariisto, inta dhaawacaana ilaahay ha u booga dhayo. Waa kaa dhimay oo kugu dhimay.
imikana wuxuu xalku ku jiraa in madaxwaynuhu uu hormood ka noqdo Nabadaynta, garawshiyana ka bixiyo farsama xumada dhacdadan loo maamulay, wixii khasara ahna madaxa saarto, arintana aanay sii daba dheeraan ee la nabdo, geesinimo iyo garawshiyana ku waajaho
Gargaarkuu dadwaynuhu lahaa wuu gabaabsiyaye
Gadaal baana loo sii wadaa geeddi habaqlaaye
Guubaabo maantoo kalay kula gudboontaaye.
Gabayii Abdilahi Adan Samatar
W/Q Mohamed Abdikarim
May be an image of 1 person and suit