Saddex Qodob sinnaba uma suurto geli karaan.
1. Xisbiyada Mucaaridka oo yidhaahda Doorasho Madaxtooyo hala qabto 13 November. Xataa haddii lagu heshiiyo technically ayaanay u suurto galayn.
2. Madaxweyne yidhaahda anigana waa in la ii kordhiyaa, labada Xisbi Mucaaridna Ururro ha noqdaan oo safka ururrada xaga danbe haka soo qabsadaan, dee taasi suurto geli mayso oo waa aynu is dilno, haddii ay noqoto in la is dilana lama kala itaal roona oo nin Taangi haysta iyo nin toorri haysta way is mudan.
3. Qof Xaflad huteel ku qabsaday oo xataa weli aan Urur noqoni inuu yidhaa Xisbiyo Qaran oo Cod dadweyne ku soo baxay oo Shahaado haysta ayaanu isku mid nahay oo aan isku dhererinayaa macquul maaha, waana sheeko carruureed aan suurto gelayn.
Saddexdaas Qodoba suurto gal maaha, qofka aaminsanina waa qof maalin cad riyoonaya.
Xalku waa maxay ?
Xalku waxaa weeye in Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka muddo kordhin cayiman loo sameeyo, ka dibna doorashada Madaxtooyada la qabto taasi oo ay ka qayb galayaan Saddexda Xisbi Qaran ee Sharciga ah.
Sidoo kalana la sii wado hawsha ururrada, Baarlamankuna uu sameeyo xeerarkii lagu dooran lahaa Xisbiyada tooska loo dooranayo, waxaana haboon in Madaxweynaha cusub ee la doortaa uu hawsha ururrada sii anbo-qaado.
Mahadsanid