Writen by Qaran News |

Maalintii qiyaamuhu dhacee, qaadir la hor joogo
Dadkoo qaawanaan tuban markaan, cidi qarsoomaynin
Ee qaaba qowseen khalqiga, qorraxda loo keeno
Qareen uma diraayaan dadkii , qaaliga ahaaye
Kuwa kala qarsoonaanta jecel, waa qaraabade eh

Image result for komishanka doorashooyinka somaliland sawiro
Waxaan tixdaa u soo qaatay waxaan maqlaayey waxaa soo socda doorashooyin golayaal degan, waxaan odhan lahaa ninkii jiray muxuu yidhi haygu daalina habaar laygu kari waaye, waxaa ina hortaagan kuwii lacagta ku qaadan jiray oo illahay (sw) ka qaban waayey dadka iyo dalka waxaa la yidhi waa loo seeto dheereeye ninka daalinka ah. Daalimiinta waad aragtaan waddanka u heshiiyey ee waddankii aynu rabnay inuu noqdo meel bal inuun nololi ka suurtowdo ay ku tunteen masiirkii dalka iyo rajadii shacabka waad aragtaan gacan saarka balan qaadka lacagta.
Image result for komishanka doorashooyinka somaliland sawiro
Maxaa la odhan jiray mulac caruuri qabatay isna waa la qudh gooyo Iyana waa la ciyaar, waxaan uga socdaa cabdiqadir jirde iyo xirsi xaji cali waa ka daacad waxan beenta ah ee komishanku tusayeen in si daacada ay wax u samaynayaan faysal oo isagu rajo qabina oo lacago qaatay ayaa isna hoosaasinta wax ka wada, Balse daacadu waa sida muse nimankan uGu kalsoonaa ogaana in arrintiisu meel saran tahay wax shiddo ahina ka qabina isagoo la yaaban nimankan maskaxdiisan iska leh maxay isla wareerinayaan halkaa iska taagan hoostana ka qoslaaya.
Related image
Kuwani waxay dhaar ku mareen in ay si xaqa oo cadaalada oo illaahay (sw) ku og yahay kagana raali yahay uGu shaqaynayaan Qaankan curdinka ah balse way ka ben sheegeen waxay qaateen laaluush illahay (SW) kula xisaabtami doono maalin aan manta ahayn waxay caloosha ka buuxiyeen xaaraan waxay ku quudiyeen caruurtoodii iyo waalidkood hadayba leeyihiin , markaa manta ma cadaalad fali karaan waa maya.
Image result for komishanka doorashooyinka somaliland sawiro
Dawlada ayaa mar walba ku lamaanayd madaxa Komishanka Qaranka oo aanu marnaba taftooda ka bixin, isagoon isu arkayn in uu waddanka u dhaartay balse lacagta loo balan qaaday mar walba u muuqatay waxaa la yidhi hashu laaca aragtaye laaga ma og tahaya ma ogyahay aakhiro iyo dhaarta uu maray inuu dhowaan dhiman doono waxaan idiin sheegayaa in Qabiil, Qabyaalad, Musuq, Nin jeclaysi aani midna waddan dhisin adna aakhiradaada ku seejinaya
Image result for komishanka doorashooyinka somaliland sawiro
Waxaa hareeraha la hayey Madaxweynaha oo wax laysla ogaa baayacaaduna socotay iyo in wax la kordhiyo lacagaha siciid cali muse iyo gudoomiyaha komishinka oo hareeraha kaga jira ayaad aragtaan markii ugu danbaysayna wxaa Siilaanyo sheegay in ciidamdu la shaqeeyaan Komishanka oo diyaar ahaa in ay wax isdaba mariyaan hadaba waxaan ku soo koobayaa sawirkan hoose
Image result for komishanka doorashooyinka somaliland sawiro
Waxaa la yidhi jiirka ayaa marka uu ku qaniinayo wuu ku sii afuufaa si aanad u dareemin. waxay ahayd maalintii ay ku cadaatay komishanka buugii berbera lagu qabtay ee suuqa laga helay ee codaynta iyadoo xisbiga waddani xaq u lahaa in doorashada la Cancel gareeyo dibna loo qabto mid cusub balse waddanka oo dhaqale xumo iyo dadkaa oo daalanaa awgeed iska dhaafeen, ayy amaan kula dul kufay waana kan afku dhiigalaha oo ag taagan gudoomiye cabdiraxmaan.

ENG ABDI Y. MAXAMED