Komishanka Doorashooyinka oo sheegay inay soo saarayaan liiskii codbixiyeyaasha

Hargeysa(Qaran news)-Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay sheegay inay toddobaad gudihiisa haddii ALLE yidhaadhdo ku soo saarayaan liiska codbixiyeyaasha kama dambaysta ah iyo jadwalkii doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo ururada siyaasada ee u mudaysan inay qabsoomaan 13 November 2024.
Xubnaha Komishanka ayaa arrintan ka sheegay kulan ay maanta la qaateen xisbiyada qaranka iyo wefti ka socda dawladda Sweden.
Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, kaas oo u dhignaa sidan.
Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa waxay shalay xafiiskooda ku qaabileen Wefti ay hoggaaminayo Safiirka Sweden Mr. Joachim Waern oo uu weheliyo Mr. Johan Svensson.
KDQ waxay xog ka siiyeen Safiirka halkay marayaan hawlaha diyaargarowga doorashada, KDQ waxay u caddeeyeen Safiirka in todobaadkan ay soo saarayaan liistada Codbixiyayaasha Kama-baysta ah iyo Jadwalka Doorashooyinka isku-sidkan ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka.
KDQ waxay ka codsadeen Safiitka iyo dawladda Sweden ka taageeraan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan dhaqaalaha.

Geesta kale waxa aanu aanu la kulaney masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran, UCID, WADDANI iyo KULMIYE, oo aanu ka wada hadlay hawlaha doorashooyinka iyo soo saarista jadwalka labada doorasho ee madaxtooyada iyo asxaabta Qaranka, waxa aanu isla qaadanay in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacdo.