KOMISHANKII UGU NASIIBKA DARNAA SOMALILAND INTII AY JIRTAY
Laga yaabaa Komishankan cusubi in uu noqdo Komishankii ugu nasiibka darnaa waayo Somaliland waxa suurogal ah in aanay wax doorasho ah oo sidii komishankii hore la isula ogol yahayba aanay qabsoomin. Doorasho aan la isla ogolaynna iyada hadalkeedaba daa.
Markaa waa maxay hawsha ay qaban karaan Komishanka cusubi hadii aanay jirin doorasho la isla ogol yahayba. Doorashada Madaxtooyada kharashka ku baxaya November 2021kii ayaa la isla meeldhigay. Xukuumaddu intii kaga soo hagaagtay oo inta yar ahayd miisaaniyadda 2022 ayay ku jirtaa. Inta ugu badnayd ee kale dawladaha Yurub ee muddada dheer inaga soo taageeri jiray doorashooyinka ayaa dusha u ritay in ay bixiyaan markii Komishankii hore u bandhigay khariidadda tubta doorashada (roadmap) madaxtooyada ee muddaysan ilaa hadda 13 November. Qaadhaan bixiyayaashu ilaa hadda iyaga oo runta og, si buuxdana uga dheregsan khilaafka siyaasaddda ee la xidhiidha doorashooyinka ayaanu madaxwaynuhu waxba kala socodsiinin doorashooyinka uu isku cayn iyo bayd gooyay ee is-hor- iyo-daba-ka-waydaarsika ah tan iyo markii xisbiga WADDANI uu qabsaday shirwaynihiisii Gudoomiyaha xisbigana loo doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Xirsi wuxu ahaa Wasiirkii Madaxtooyada ee ka diiday madaxwaynihiisii in uu taageero musharaxnimada Muuse Biixi. Dad badan oo markii hore la yaabanaa go’aanka Xirsi intii Muuse Biixi madaxwaynaha noqday way u soo noqdeen in uu sax ku ahaa markay arkeen hogaaminta ama xukunka kelitalisnimada ah ee Muuse Biixi.
Hadaba lama garan karo in komishankan cusubi uu haba yaraato eh wax doorasho ah qaban doono iyo in kale, iyo goorta uu qaban doono hadiiba uu qabanayo. Tan kale waa 7 xubnood oo cusub oo aan lahayn wax waayoaragnimo ah xataa dhexnimadoodana ay sua’aali saaran tahay. Balse la arki doonee hadii ay daacadnimadoodu run noqoto oo ay si madaxbanaan hawlahooda u maarayn karaan dhexna u noqon karaan tartamayaasha, hadiiba ay doorasho qabtaan, wixii kale waa sahaalo