Komishanku isaga ayaa leh go’aanka cayimida doorashooyinka, cidii ku qanci wayda go’aanka komishanka oo ah go’aan maamul ayaana maxkamadda sarre u caban karta si waadaqsan qodobka 10 ee xeerka habka madaniga.

Maxaa yeeley Haayad kasta oo maamul iyadaa leh xuquuqda go’aaminta hawlaheeda, waxaana looga caban karaa maxkamadda, nidaamka dawliga ihina wuxuu u shaqeeyaa habkaas is dheeli tira ee kala madaxa banaan.

Sidaas darteed waxaan maxkamadda sarre usoo jeedinayaa inay komishanka ku celiso arjiga komishanka si iyagu go’aankooda u gaadhaan, maxkamaduna sharciga ku toosiso haayadaas distooriga ah madaxbanaanideedana ay ilaaliso.

Xil Guruuje .