Ku-xigeenka Somaliland Ee Itoobiya Oo Xog Cusub Ka Sheegay Heshiiska Badda & Aqoonsiga

Addis Ababa (Qaran news) – Dawladda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay heshiiskii dhawaan dhex maray Dawladda Federaalka Itoobiya.

Safiir ku-xigeenka Somaliland ee dalka Itoobiya, ahna ku-simaha Safiirka Amb. Barkhad Maxamuud Kaariye oo Xafiiskiisa Addis Ababa ugu warramay Telefiishanka MM Somali TV, ayaa marka koowaad ka warramay marxaladihii uu soo maray xidhiidhka Somaliland & Itoobiya, waxaanu sheegay in xidhiidhka labada dal oo soo bilowday ka hor qarnigii 18-aad uu xilligan marayo heerkii ugu sarreeyay.

Safiir ku-xigeenka oo faahfaahinaya xidhiidhka labada dal, ayaa yidhi “Itoobiya, iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidhada diblumaasiyadeed ee ugu qotada dheer, inkasta oo xidhiidhkaasi qarniyadii la soo dhaafay uu lahaa habab kala duwan. Waxaynu xasuusanaa in Somaliland horena u ahayd, Maantana tahay albaabka laga galo Afrika marka dunida kale la isku xidhayo, kuna taalla meel aad muhiim ugu ah marinnada dunida, xilliyadaas iyo xilliyadii Ganacsiga ee Hindiya, Aasiyada fog iyo bariga dhexe, Somaliland waxay ahayd halkii ay ka geli jireen (Afrika), xidhiidhkaas ganacsi ee muddada dheer socday wuxuu isku xidh u ahaa Itoobiya iyo Somaliland, halkaas ayuu ka soo unkamay xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya, waxayna xilliyadaa u macaamili jireen qaabab kala duwan, dabcan xilligaa waxa Somaliland joogay Maxmiyaddii Ingiriiska, intii ka dambaysayna xidhiidhka Itoobiya

iyo Somaliland wuxuu ahaa mid sii xoogaysanaya, iyada oo ay xusid mudan tahay halgannadii kala duwanaa ee Somaliland ugu jirtay inay la soo noqoto xornimadii luntay 1960-kii ay Itoobiya ahayd halkii ay fadhiisimada ku lahaayeen (Jabhaduhu) sidoo kalena waxay ahayd halkii ay u soo eersadeen dadka Somaliland markii uu duqaynayey Taliskii Macangagga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.”

Safiirku waxa kale oo uu sheegay “Xidhiidhada noocaas ku bilaabmay waxay noqdeen kuwo sii xoogaystay, markii Somaliland xornimadeeda la soo noqotayna waxa 1991-kii la furay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, illaa muddadaana xidhiidhku wuxuu marayaa heerar kala duwan, isku-gayna xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waa mid ganacsi, mid amni, mid bulsheed, mid

diblumaasiyadeed iyo mid siyaasiyadeed, waana ta keentay in Maanta ay labada dal galaan heshiis la iskugu Dan quminayo.”

Safiir ku-xigeenka oo ka jawaabaya halka ay marayso hawsha loogu gudbayo heshiiska rasmiga ah ee 2-da Dawladood, ayaa yidhi “Heshiisku, sida ay in badan sheegtay Xukuumadda JSL oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa dano iswaydaarsi, heerar kala duwan baanu maraa heshiisku. Heshiiskii isfaham ayaa la saxeexay, waxaana loo gudbayaa marxaladda labaad, waxaana ku hawlan Guddiyadii farsamo, markaas halkaas ayuu marayaa.”

Ambassador Kaariye wuxuu fasiraad ka bixiyey ahmiyadda heshiiska badda lagaga kiraynayo Dawladda Itoobiya oo aqoonsanaysa Somaliland uu u leeyahay dunida “Waxaan hoosta ka xariiqayaa, heshiiskan isfaham maaha oo keliya mid

ka dhexeeya labada dal, balse waa mid xoojinaya danta Mandaqadda, Qaaradda iyo dunidaba, sida dhinacyada amniga, Ganacsiga iyo isku socodka. Waad ogtahay waxa ka socda Badda cas iyo badaha kale ee dunida, markaa Somaliland iyo Itoobiya oo awalba amniga mandaqadda doorkooda ka qaadan jiray, waxay doonayaan inay kaalintoodaas xoojinayaan. Waxa jira dalal ku yaalla Afrika oo aan bad lahayn, waana halka Somaliland hiigsigeedu yahay.”

Ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray in Somaliland aqoonsigii ay muddada baadi-goobaysay ku hirgalay Dan iswaydaarsiga Itoobiya ”
“Aqoonsiga, muddo dheer ayaynu hadba meel ma day’nay, oo meesha aynu ka dayno la lahaa meeshaa maaha ee meel kale ka da’ya, tii baa Maanta ku timid dan iswaydaarsiga Itoobiya. Maanta ayuu Alle aqoonsigii dadku doonayeen ku suurto-geliyey dedaalladii Madaxweyne Muuse

Biixi Cabdi, waana mid ah ‘ii qumi aan kuu qumiyee’…”

Safiirku wuxuu sheegay in shacabka Somaliland aanu ka soo horjeedin heshiiska isfaham ee labada Dawladood, balse Shacabku dalbanayaan in la fahamsiiyo “Midna waan saxayaa, cid ka soo horjeeddaa ma jirto heshiiska, dadka reer Somaliland ee illaa hadda Warbaahinta ka hadlay ama kulamada dhacay, waxay leeyihiin uun heshiisku muxuu ku saabsan yahay, ma fahamsiiya ayay leeyihiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyey “Dadka reer Somaliland ama dadka kale ee Soomaalida ah ee mandaqadda ku nooli wararka been-abuurka ah ee loo sheego waa wax cadow gaar ahi wado, waxaana la doonayaa in dadka lagu khalkhal-geliyo, hase-yeeshee waxa go’aamin doona heshiiska.”