M/weyne Muse Biixi oo Suldaanka Beesha Warsangeli Salaan & Bariido ugu tegay

Madaxweyne Biixi iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa caawa isku arkay Ceerigaabo.
Suldaan Siciid oo ah Suldaanka deegaanada bariga Sanaag ayaa intii uu Madaxweynaha ahaa Muuse Biixi aanu wanaagsanayn xidhiidhka Suldaanka iyo Madaxtooyada Somaliland, waxana uu deegaanada bariga Sanaag Suldaanku ku soo dhaweeyay madax badan oo Puntland ka tirsan.
Lama oga in ay natiijo isu soo dhawaanshe ah ka soo bixi doonto kulanka caawa dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.