Kulan M/weyne Biixi la yeeshay Xubnaha Gudida Diiwangelinta Ururada ee dhawaan magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay xubnaha guddida diiwaan gelinta Ururrada Siyaasadda Somaliland ee uu dhawaan magacaabay.
Ma jiro weli war rasmi oo ka soo baxay Kulankan Madaxweyne Biixi iyo Guddidan diiwaan gelinta, hase yeeshee warar ka ag dhowaa kulankan, ayaa tibaaxay in si guud looga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo diiwaan gelinta Ururrada siyaasadda oo xeer 14 sheegayo in diiwaan gelintooda la bilaabo bisha May oo ah lix bilood ka hor wakhtiga liisaankoodu dhacayo.
Guddidan oo aan weli la ansixin, ayaa hore madaxweynuhu Golaha Wakiillada u gudbiyey si ay u ansixiyaan, waxaana la filayaa marka ay fasax ka soo noqdaan Golahaas uu go’aan ka gaadhi doono.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu iyaga la kulmi maalmaha soo socda Komishanka doorashooyinka, isaga oo kala hadli doona hawlaha u diyaargarowga doorashooyinka iyo sidii loo bilaabi lahaa diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka.