Kulan balaadhan oo dhowr saacadood qaatay ayaa xalay magaalada Hargeysa ku dhex maray beelaha Isaaq kulankani oo laba garab ahaa ayaa waxa fooda isku daray beesha Garxajis oo dhan ah iyo beelaha Habarawal Habarjeclo, Ayuub, Toljecle, waxana kulankaasi ka maqnaaday beesha Arab oo ay sheegeen in ay la socotay hase ahàatee iyagu shirkaasi xalay ka maqnaa lamana shaacin sababta.
Kulankani ayaa salka ku hayay arimo xaasàsi ah oo ay dhaliyeen go’aankii ay dhawaan gudiga doorashooyinku ku dhawaaqeen oo abuuray buuq siyaasadeed oo xoogan kaasi oo u muuqda in uu soo dhaafay siyaasiyiintii dalka in ay qaboojiyaan ama xaliyaan, waxana lagu dayay in lagu dajiyo habkii ay Somaliland ku caano maashay ee dhaqanka taasi oo xalay suurto gali wayday oo lagu kala kacay, waxana loo balan sanyahay kulamo kale sida ay sheegayaan ilo warned warnedyo u dhuun daloola kulankaasi xalay.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay hogaanka dhaqanka ee labada dhinac oo ku saabsan kulankii xalay