Kulankii ay Maanta ay u balansanaayeen Xukumada Muuse Biixi & Xisbiyada Mucaaradka oo baaqday+sababta.

Wararka ka imanaya madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in uu saaka baaqday kulankii guud ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland.
Kulan ay aroortii hore ee saaka yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada ayaa lagu go’aamiyay in dib loo dhigo kulanka maanta si arrinta khilaafka loo sii gorfeeyo xalkeeda.
Share