Writen by Qaran News |

Cajaayib, sida loo garanayo 2 + 2 = 4 ayaa loo garanayaa in aan Kulmiye cidi dooranayn. Sua’ashu waxa weeye, maxay iska wareer rinayaan. Ma ku qabso ku qadi meysid bay wadaan. Ma way-din boobi bay is leeyiin. Yaa warka khaldan Muse Biixi u sheegay oo ku yidhi tartanka gal waad guuleysan-ay-saa. Waa damiin nmo haduu xisbi garan waayo masiir kiisa. Waxay ahayd in uu Kulmiye garto in aan Kulmiye kale lagu bedelayn oo aanay macquul ahayn. Kulmiye waa laga xiisa dhacay wixii cusbna caalamka ayaa jecel oo bulshadu is bedel bay doonaysaa. Mise talow Kulmiye waa lacag urursi ee way ogyiin in aan meesha waxba u oolin. Kulmiye waxa hanti la xaraashay ee hanti guud la iibiyey midna waar ka daaya muu odhan. Dabeed siduu cod ku doonayaa. Siir bararka Kulmiye muu odhan wax halaga qabtohadan cod buu raadinayaa. Isku soo xoori, waa sua’al da’ weyn oo madaxa daalinaysa sababta uu Kulmiye tartanka uugu jiro iyagoo is og in aan cidi u codeyneyn. Amuuraha la yaab kale bay ka mid tahay xisbi aan cidi doonayn oo hadana isle mar labaad ummada iyo dalka ku dhoobayso. Kulmiye in uu dadka mar kale cod ka doonaa shicibka ayay cay ku tahay sabab tuna tahay halaaga uu dalka iyo dadka sideed sanadood soo mariyey baa la wada ogyay…Kulmiye ma Ciro iyo Xirsi baa Burco isku kala bixiyey buu ka bukaa…Kulmiye ha daawado Gabiley dhul gariirka dhawaan ka dhaca….Haduu taana ku qanci waayo ha daawada Awdal wacdaraha uu Waddani ka dhigo.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com