Writen by Qaran News |

KULMIYE SOMALILAND WAXAA KADHIGAY NGO HARGEISA KAHAWGALA.
Dadka reer Somaliland waxay halgandheer lagaleen talis milaytari oo ay u arkayeen inuu khatar kuyahay jiritaankooda, xoriyadooda iyo mataladooda, Halgankaasi wuxuu kubilaabmay kadib markii ay midoobeen somalidii waqooyi iyo somalidii koonfured 1960, dadka reer Somaliland waxay dareemeen inay koonfuri tixgalin balaadhan siinin somalidii waqooyi iyadoo nolosha oo dhan lagu xidhay magaalada muqdisho.
Dawladaasi waxay nolosha oo dhan kuxidhay magaalada muqdisho, hargeisa iyo burcona kaliya waxaa dhoobnan jiray ciidamo farabadan oo dawladaas muqdisho fadhida danaheeda kaliya  difaacijirtay.
Somaliland 27sanno kadib inay uqaab eekaato dawladii rajiimka ahayd waa nasiibdaro, waxay muujinaysaa in mustaqbalka Somaliland uu halis uu kujiro.
Kulmiye wuxuu dawladnimadii Somaliland uqaab eekaysiyay dawladii rajiimka ahayd, tusaale ahaan wuxuu maamulki umada ubadiyay laba beelood oo dega wadanka isagoo beelihii kale tusay inaanay xaq ulahayn inay Somaliland maamulaan.
Kulmiye wuxu noloshii oodhan kusokoobay hargeisa isagoo goboladii kale cashuurtoodi iyo maamulkoodi hargeisa uxidhay, tusaale ahaan magaalada burco oo ah magaalada labada ee ugu wayn Somaliland xoolaheeda nool waxaa lagu cashuuura berbera.
Gobolada sool,sanaag,xaysimo,buhoodle,saraar,oodweyne,awdal kamajiraan maamul dadejin hoose noolashooda oo dhan waxay toos uhoostagta hargeisa, gobolada bari ee Somaliland waxaa kahawgala kaliya ciidamada Somaliland mahelaan cafimaad mahelaan waxbarasho mahelaan dhamaan adeegyadii dawlada.
Musharraf Ahmed Osman.
musharafahmed767@gmail.com