Writen by Qaran News |

MARKA HORE BULSHADA SOMALILAND WAXAN UGU BAAQAYAA IN NABADGELYADA DHINACYADA LA GA JOOGSADO,XAMAASADA,IYO XIISADA LA XAKAMEEYO , SIYAASADU WAA SAKHRAD XUN , QABAAYALDUNA WAY QARXISAA, WAKHTIGAN KALA GUURKA EE HARDANKA DOORASHADU KAABADA INAGU HAYSO EE KULMIYE QABAALADII UU SIFIICAN U BARBAARIYEY, KOBCIYEY, WAXAN BULSHADEENA UGA DIGAYAA IN LA SHAKAALO NIN JACLAYSIGA OO CADAALADA IYO XAQSOORNIMO DIIN IYO DADNIMO HUWAN
KU SOO DABAALNO, SIYAASIYIIN SALAADIIN IYO AFKU SEEFLE AYAA SHAKAALADA GOOSANDOONA, DOOBTA SAYDHIN DOONA, KUWAASOO JIBO QABIIL LA SUUXI DOONA SEEFAHA IN AY LA SOO BAXAAN KAABIGA U SAARAN, KA FOOJIGNAADA FIDMO, IYO
FAL GURACAN OO NABADA AAN KU NAALOONAYNO DHAAWICI KARA.
XAQA IYO CADAALADA U HIILIYA, QABIIL ,NIN JECLAYSI IYO DULUM KA FOOJIGNAADA.

KULMIYE WAA KUMA?

KULMIYE WAA DAWLADA MAANTA JOOGTA ,WADANKA KA TALIYA TODOBA SANO UMADA HOR FADHIDAY
BARNAAMIJKIISA XUSBULXAAKIMKU WAAN ARAGNAA OO WAA SICIR BARAR, BOOB HANTIDII GUUD, IIBIN ILIHII LAFDHABARKA
DHAQAALAHA DALKA , SIDA DEKEDA BERBERA, HAAMIHII SHIDAALKA, AIRPORTKII BERBERA, SHAQO LAANTII WAXAY MARAYSAA
HALKII UGU SARAYSAY, DHUUXII DHALINTII DALKA EE ABID UGU BADNAA OO BADAHA KU QARAQAMY, XABAALIHII,KANIISADO, IYO DADXUN SUMCADXUMO INOO SOO HOYSAY BUU KULMIYE DADKII IYO DALKII BADAY,
HADUU BARNAAMUJ SAMATER USA KA KEENAY SICIR BARARKA KU TIJAABI OO BAL TUS FAAIIDADA AAD SHEEGAYSO.
KULMIYE FILMKAAGII WAA LA GALAY KALGACAL LOOGU BOGO OO MARLABAAD TIGIDH LAGU KHASAARIYO LAMA HAYO
OO DADWEYNIHII FARTII CUDAYSAY MA JARNAA BAY TAAGANYIHIIN.SADEX SHAY MUWAADIN BAL U FIIRSO
CAAFIMAADKII DHAKHTARKII GUUD EE HARGEISA BUGTAANKII WUU QUDHMAY DAAWEYEN XADALKEED DAA.
BIYO CAASIMADII WAA GAADHI GAADHI SAAR IYO DAMEER DHAAMIS.WAXBARASHADII ARDAYDII TAYA XUMO WAY WADA SAAQIDEEN
MA ARDAYDAA WADA XUN BAYENU ODHAN KARNAA MAYA EE WAA WASAARADA WAXBARASHADA IYO TAYA XUMADEEDA.
WASAARADA HAWLAHA GUUDNA WAABA SARIIMADA XARAASHKA DHULKA DANTA GUUD XATAA XABAALIHII BAY MARAYSAA.
DOORASHOOYINKII DEGAANADA EE KULMIYE KU SHUBASHADII UGU XUMAYED BAA KA DHACDAY DHIMASHO IYO DHAAWAC WIXII
DHACAY WAYNU OGAYEN.

KORNAYEL MUSE.
============
MUSE INTA AAN KA SOO GAADHAY WARKIISA LAMA MAHADIN INTII DALKA LA SOO GALAY.
SHIMBIRI MAALIN BAY DABQAADOO MAALINTIINA DAL ALAY GUBTAY.
MUSE CASIRIGII MARXUUM CIGAAL 1994>1997 KII WUXU NOQDAY WASIIR DAAKHILI DALKII QIIQ IYO HOLAC BAA KA KACAY BAKHTIINTEEDII MUDO DHEER INAGU QAADATAY.MUUSOO KU HEESAY ANIGOO WAX DILI KARA DOCO QAADAN MAAYO.
DOORASHADII UDUB IYO KULMIYE EE U HOREEYEY TII OO NATIIJADII LA GAADHIN OO TIRADII LAGU JIRO KHAYRIYADA
NINKII DIBADA U SOO BOODAY EE YIDHI KULMIYAA HELAY MUUSE AYUU AHAA, TAAS OO LA AFJARAY AAKHIRKIINA UDUB GUUSHU RAACDAY,DALKANA KHATAR GELIYEY DHUL GARIIRKII LABAAD EE MUSE KU KACAY EE XAGA AMNIGA AHAYED.
DOORASHADII GOLLAHA DHEXE EE KULMIYE CEEBTII KA DHACDAY WAYNU OGAYEN WAATII LOOGA DAREERAY DUHUR CAD.
MAANTA OO UU KU OLOLAYENAYO WAX LA MAGACBAXAY JEEGAAN, AMA DOORASHO HAGBAD AH OO KU QOTOMA LABA BEELOOD.
MA NINKAASAA UMAD CADAALADEED LA TUSI KARAA JAWAABTO WAA MAYA.
MUUSE WAA NINKA SOO SAARAY BAM SANCEED LA MAGACA BAXAY SHAANI BOMB.
DALKA IYO DADKU WAREER UMA BAAHNA CADAALAD , NABAD DOON, XORIYAD,XANAANO IYO XAQ DAWLADNIMO IYO ICTIRAAF DAD KHUBARAA AH, BEESHA CAALAMKA SI FIICAN DHIISHA U LULA DAWLAD LA AQOONSANYAHAY KA DHALIYAA LOO BAAHANYAHAY
KUWAASNA WAA LABADA DR, AMBASADOOR IYO XUSBIGA WADANI LA ISKAMA DURDURIYEE.

GUUL IYO GOBANIMO SOMALILAND

XAQ U DIRIR

MUSA AW HASSAN LODOON
AWDALI DUBAI.