Kumuu ahaa wasiirkii qaraxa lagu dilay ee bil ka hor dadka cafiska weydiistay?

Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur

Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo ahaa wasiirka Caddaaladda ee maamulka Koonfur galbeed ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday qarax Ismiidaamim ahaa oo lagula eegtay magaalada Baydhabo salaaddii Jimcaha kadib xilli uu masjidka kasoo baxayey.

Kumuu ahaa?

 Deeqow Madkuus Iftiin oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bakool sanadaihii 2010-16 oo aad u yaqaanay marxuum Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo BBC-da u warramay ayaa sheegay inuu magaalada Xudur miyigeeda ku dhashay sannadlkii 1960-kii.

 Waxa uu ka mid ahaa dadkii ka faa’ideystay ololohii horumarinta reer miyiga ee Sannadkii 1974-tii.

Wuxuu waxbarsaho u aaday magaalooyinka Marka iyo Aw-dheegle, wuxuuna halkaasi ku soo bartay diinta, Qur’aanka iyo tafsiirkiisa.

 Sannadkii 1992-dii  ayuu Xudur ku soo laabtay wuxuuna ka bilaabay  Ganacsi kala duwan oo uu xoolaha, dharka ka mid yihiin.

 Markii ay Xudur qabsatay jabhaddii USC-SNA 1996, wuxuu la jiray jabhaddii ka soo horjeedday ee RRA.

Wuxuu noqday guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bakool sannadkii 2006-dii, wuxuuna ka tagay bishii afaraad ee 2011-kii.

 Kaddib la sameeyay Maamulkii Shariif Xasan wuxuu ka noqday xildhibaan, wuxuu sidoo kale soo noqday Wasiirka maaliyadda Koonfur-galbeed.

Qof noocee ah ayuu ahaa?

Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur

 “Nin wuxuu ahaa aad u maslaxo jecel, sidoo kale wuxuujelcaa horumarka deegaanka,” Ayuu yiri Deeqow Madkuus Iftiin oo aad wasiirka u yaqiinay.

Sheekh Xasan wuxuu ahaa Nin hoggaamiye ah, oo sadaqada jecel, oo masaajidda wax ku darsada, sidoo kale dad agoomo ah oo uu guryo u dhisay. Sida uu sheegay Deeqoow

“Masaajidka Jaamaca ee Xudur ayuu ka istaagay bil ka hor wuxuuna cid kasta ka dalbaday in la cafiyo isagoo sheegay in adduunyada lagu waareeynin.” Hadalkaas wuxuu ahaa mid u muuqday dardaaran,” ayuu yiri

Deeqow ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in Marxuumka uu aad u jeclaa in misaajiadda iyo dugsiyada la horumariyo. Wuxuu sidoo kale sheegay inay jireen ceelal uu qoday.

“Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan ehelkiisa

Ayaa tacsi ayaan u dirayaa waxaana Alle uga baryayaa inuu Samir iyo iimaana naga siiyo, cid kasta oo khasaaradaas gaysatay Allaah wuu kula xisaabtamayaa,” ayuu yiri Deeqow Madkuus Iftiin.