Sheffield,(Qaran news)- Alle ha u naxariistee waxa goordhawayd magaalada Sheffield ee dalka Ingriiska ku geeriyooday muj. Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen oo ahaa la taliyahii madaxweynaha Somaliland ee arimaha Naafada

Muj. Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa dhalinyaradii halganka hubaysan kaga soo qayb qaadatay dib u xorayntii Somaliland waxa uu halgankaasi uu ku waayay laxaadkiisii siiba araga.

Alle ha u naxariistee waxa uu marxuumku uu ifka kaga tagay caruur ku kala sugan Somaliland iyo UK- Iyo sidoo kale xaaskiisa oo ku nool Somaliland

Dhamaan shaqaalaha iyo hawl wadeennada shabakada qarannews.com waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay.