Laascaanood: Dabaaldeg Iyo Dhoolatus Midkee Loo Qaadan Karaa?
Anigu ma hubo ee waxa igu war warkii ah in sanadguuradii 19aad ee asaaska Ciidanka Qaranka oo laga yaabo in 80% ay ka soo jeedaan beesha dhexe sanadkan lagu qabanayo magaalada Laascaanood oo aynu og nahay xaaladda ay ku sugan tahay xiligan.
Anigu maan rumaysanin balse hadii ay jirto dabaaldeg waxay uga dhawdahay dhoolatus. Suaashuna waxay tahay yaa dhoolatusanaya yaase loo dhoolatusanayaa ma Dhulbahante mise shirka uga socda Laascaanood? Waxan qabaa Laascaanood xaaladda ay ku jirto xiligan looma baahna in lala doonto Dhoolatus ama Dabaaldeg midnaba waayo waa “provocation”ama waa kicin ee maaha dejin. Hadda waa sida anigu aan u arko