Afar qof ayaa dhaawacmay inta la xaqiijiyay kadib iska hor imaad iyo israsaasayn ku dhexmartey Ganacsatada keenta qaad Miirooga garoonka diyaaradaha Laascaanood.
Ganacsatada ayaa isku rasaaseeyey garoonka kadib markii laysku qabtay diyaarad siday qaad Miirooga oo garoonka soo fadhiisatey labada dhinac ay isku maandhaafeen imaanshaheeda.
Waxa khasaare soo gaadhay diyaaradii qaadka siday oo xabadihii labada dhinac isku ridayeen ku dhacday.