Writen by Qaran News |

Wasiirka Arimaha Bulshada Hinda Jaamac Gaani oo uu maanta madaxweyne Col. Muuse Biixi magcaabay ayaan haysanin shahaadooyinka dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare sidoo kale wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed ayaan haysanin shahaadada dugsiga dhexe iyo sare. labadan wasiir ma haystaan shahaado dugsi sare sida aan kor ku xusnay.

Dastuurka ayaa dhigaaya in aanu wasiir noqon karin qof aan haysanin ugu yaraan shahaadada dugsiga sare, waxna sidoo kale aanu arintaasi ka waraysanay oo wax ka waydiinay xubno ka mid ah golaha wakiilada Somaliland oo sheegay in madaxweynaha cusub lagu soo celin doono wasiir kasata oo aan buuxinin shuruudahii looga baahnaa ee dastuuriga ahaa.

Waxna la eegi doonaa habka ay golaha wakiilada oo ahaan jiray gole dhaameel ay ula hawl galaan wasiirada ay ansixin doonaan ee la hor keeni doono, waxna durtaba golaha xukumadda Muuse Biixi ka muuqata in aan dadka uu soo dooranaayo aan la waydiinin taariikhdoodii waxbarasho ee xilalka lagu magacaabay uun kaarto malatari