Sida lagu baahiyay baraha bulshada waxa dalka soo gashay lacag faalso ah oo ay kow ka tahay 500 ee shillinka Somaliland, sida kor kuugu muuqata 500 ee shillin  waxa ay leedahay number ka dheer ka 500 ee shilling ee caadiga ah.

Bal u fiirso 500 ee shilling ee caadiga ahi waatan xaga hoose taala.

Hore waxa loo sheegay in xukuumadda hada joogtaa ay qab qabatay dad ajaanabi ah oo ay sheegeen in ay ku hawlanaayeen sidii ay u samayn lahaayeen lacag foojari ah oo shillinka Somaliland ah.

Lamana sheegin dadkaasi xagii ay ku danbeeyeen, lamna oga in dadkaasi xiligaasi ay lug ku leeyihiin lacagtan Somaliland  ee la soo daabacday ee la soo galiyay suuqyada dalka, sida ay doontaba ha noqotee ilaa hada xukuumadda Muuse kama ay hadal arinkani foojariga ah lama garan karo ilaa hada xadiga ay leegtahay lacagta sidani qaldan loo soo daabacday ee dalka ku jirta.

Dalka ayaa xiligani sicir barar la ciir ciiraaya