Wax kasta oo aynu haysano ,waxaynu ku qiimaynaa Dollar-ka Maraykanka /
Hadaba Dollar-ka maxaa lagu qiimeeyaa?
Goorma ayuu Dollar-ku dalalka dunida qabsaday ?
Sidee buu Dollar-ku ku noqday lacagta dunida wax lagu kala iibsado?
Berigii hore dalalka dunida maxay wax ku kala iibsan jireen?

Berigii hore dunidu waxay wax ku kala iibsan jirtay lacag qadaadiic ah oo Dahab ka sameysan /
gGanacsiga dunida waxa uu soo maray , taariikho dheer oo kala duwan iyo siyuaabahihii wax loo kala iibsan jiray .
Hadaba Dollar-ku waxa uu la wareegay dhaqaalihii aduunka iyo ganacsigii ka dhexeeyay dalalka aduunka 1944-kii shirkii lagu qabtay magaalada britain woods ee dalka Maraykanka , shirkaas oo ay ku heshiiyeen dawladihii xiligaa jiray in wax lagu kala iibsado caalamka Dollar .
Xiligaas oo uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida oo uu dhaqaalihii ku burburay iyo dalalkiiba , laakiin dalka Maraykanka burbur soo gaadhay ma jiro ama dhaqaale xumo . waxa uu noqday quwadda koobaad ee dunida u talisa dhinaca ciidanka iyo dhinava dhaqaalaha iyo dhinaca siyaasadeed.
Waxa uu noqday dagaalkii 2-aad kadib Dollar-ku lacagta qudha ee caalamku wax ku kala iibsado .
Dalkastaana waxa uu ku qasbanaa in uu Dahab geeyo dalka Maraykanka oo uu Dollar soo iibsado , si uu ugu bixiyo bidaacadda uu soo iibsado .
Dalkastaaba in uu Dahab haysto ,ayuu Dollar ku soo iibsan jiray .
Lixdanadii dabayaaqadeedii ayaa waxa dhacday in uu dalka Maraykanka iska daabacday lacag badan oo aan xisaab lahayn oo aanu Dahab ka oolin ama ku bedelenin.
Arintaas markay dunidu ka warheshay , waxaa dhacday in laga aamin ka baxo Dollar-kii oo uu qiimihiisu hoos u dhaco
Dagaalkii Vietnaam awgeed iyo kharashkii ku baxaayay ciidamada Maraykanka .
1971-kii ayaa Madaxweynihii Maraykanka (Nixson ) ku dhawaaqay (iclaamiyay) in miisaankii iyo xidhiidhkii Dahbka iyo Dollak-ka ka dhexeeyay la kala furay oo aanu Dollar-ku noqonayn lacag dahabka ku xidhan .
kadib waxaa dhacay dagaalkii bariga dhexe ee israel iyo Carabta ee dalakii carbeed ee Petrol-ka soo saari jiray ka jiijiyeen gaalamka iibkiisa ( gaar ahaan dalalkii reer galbeedka ahaa iyo Maraykanka) arintaas oo dhibaato shidaal oo weyn caalamka ka abuurtay .
1974-tii Jamaica shirkii ku qabsoomay iyo heshiiskii dawladaha caalamka ku gaadheen
ayaa waxay ku heshiiyeen in Petrol ka caalamka la iibsanaayo lagu iibiyo Dollar ( Dahab kasta hayso ama lacag kasta hayso oo markaad Petrl doonaysid in aad iibsato
waa inaad marka hore Dollar soo iibsataa oo ku bixisaa
Heshiiskaas oo ay wada qaateen dalka Maraykanka iyo saudi Arabia iyo dalakii shidaalka soo saari jiray .
Petrol ku waa ganacsi koobaad ee dunida oo dhami u wada baahan tahay .
Saddam Xuseen ayaa 2001-kii ilaa 2003-gii ku iibiyay Petrol kii dalkiisa lacag aan ahayn Dollar ( Euro) , wixii isaga iyo dalkiisuba ay ku danbeeyeen , waynu ka war haynaa.
Dalalka Europe (dal ayaa waxay wada sameysteen lacag u gaar ah oo ka dhexaysa .
Iminkana waxaa jira dalal kale oo ganacsiga aduunka ku soo biiray oo waaweyn oo doonaaya in haybadda iyo awoodda Dollar ka dunida laga qabto oo laga saaro ama lacag caalamka oo dhan ka dhaxaysa la sameeyo ( sida dalka China iyo india) . fikradana waxa qaba dalal kale oo badan .
Sheekadan uu sameeyay Putin ( madaxweynaha Ruushka) ee ah in uu ku soo rogay dalalka aanay saaxiibka ahayn ( dalalka reer galbeedka) in ay Petrol-ka iyo Gaasta ka iibsdaan (Robil) ka Ruushka , arintaasuna waa mid khatar gelin kartaa Dollar kii dunida haystey .
Hadaba waxa lays weydiinayaa , maxaa Dollar-ka lagu bedeli doonaa?
Sidee loo bedeli doonaa?
Ma Dahabkii ayaa caalamku mar kale wax ku kala iibsan doonaa oo dib loogu noqon doonaa?
Dalka China-ha waxa uu urursaday Dahabkii dunida intiisii badnayd .
Hadaba dalka China-ha oo ah quwadda dhaqaale ee aduunka : muxuu damacsan yahay ?
Lacagtiisu ( China) Yuwaan ma bedeli kartaa Dollar-ka ?
Su,aalahan iyo qaar kale oo badan ayay dunidu isweydiinaysaa iyo ganacsatada caalamka .
Dhinaca kale dalka Maraykanku diyaar ma u yahay in la bedelo Dollan-ka oo lacag kale lagu bedelo?
Hadaba waynu eegi doonaa lana socon doonaa , dagaalka dhaqaale ee dunida soo socda

CALI MAXAMED BIIXI ‘caliwwelli@hotmail.co.uk