M/weynaha Somalia Oo Ku Gacan-saydhay Casuumad Rasmi Ah Oo Uga timi Madaxweynaha Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaan ka qayb-geli doonin shirka hogaamiyeyaasha dalalka ku midaysan urur goballeedka IGAD, kaasi oo maanta ka furmay caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxweyne Xasan oo lagu waday inuu ka dego magaalada Nairobi ayaa weli booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Turkiga ee Ankara, halkaasi oo ay uga socdaan wada-hadallo uu la yeelanayo madaxda dalka Turkiga.

Xasan ayaa goor dambe ku wargeliyay Uhuru Kenyatta in in aanu kasoo qeyb-gali doonin shirka IGAD, oo ay dowladda Kenya dooneysay in madaxweyne Xasan uu kasoo qeyb-gallo shirkaas, sida uu qoray wargeyska Africa Intelligence oo soo xiganaya mas’uuliyiin Kenyaan ah.

Dowladda Kenya ayaa imaanshaha madaxweynaha Soomaaliya u arkeysay fursad muhiim ah oo lagaga wada-xaajoon karo arrimo dhaqaale iyo ganacsi.

Baaqashada shirka ee madaxweyne Xasan ayaa waxay siyaasiyiinta Kenyaanka ah ku tilmaameen halaag iyo rajo xumo ku yimid dib ufurida ganacsiga qaadka, oo ay xukuumadda Nairobi rejo badan ka qabtay tan iyo markii la doortay madaxweynaha.

“Shacabka Kenya waxay sugayeen madaxweynaha Soomaaliya ama Raysal Wasaaraha midkood inuu shirka kasoo qeyb-galo, kadibna Soomaaliya lagala heshiiyo inay fasaxdo Qaadka Kenya oo ay ku tiirsanaayeen nolosha Malaayiin muwaadin Keenyaan ah, laakiinse rajadii dadku filayeen god dheer ayay kusii dhacday,” ayuu yidhi Sylvanus oo ah siyaasi Kenyaan ah.

Warbaahinta Muqdisho ayaa hore u baahisay in madaxweynaha uu safarkiisa labaad ee kadib dib u doorashadiisa ku tagi doono magaalada Nairobi, maadama xiligaas ay soo gaadhay casuumad rasmi ah oo ay u fidiyeen madaxda dalka Kenya.

Hase yeeshe waxa uu isbedel lama filaan ah ku yimid qorshaha safar ee madaxweyne Xasan oo xilligaan ku sugan dalka Turkiga, isaga oo ka cudur daartay aqbaalada casuumada iyo ka qeyb-galka shirka.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya waxa ay si weyn iskugu xumaadeen intii uu xukunka joogay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse madaxweynaha Kenya Uhuru ayaa Muqdisho kaga soo qeyb-galay caleemo saarkii madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo muujineysa in Kenya ay diyaar u tahay wanaajinta xidhiidhkeeda Soomaaliya.