M/weynaha Somalia oo shaaciyay xilliga kama-danbeysta ah ee la soo celinayo dhammaan ciidamada Soomaalida ee ku sugan Eritrea+Tiradooda

Madaxweynaha Somaliya iyo ciidanka Eritrea ku sugan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dhammaan ciidamada haatan ku sugan dalka Eritrea ee tababarka loogu soo xiray halkaas ay dalka dib ugu soo laaban doonaan dhammaadka bisha January ee sanadka foodda nagu soo haya.

Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in kooxda ugu horreysa ee hordhaca ah ay dalka ku soo laabanayaan bishan December balse bisha koowaad ee sanadka soo socda ay dhammaantood ku wada sugnaan doonaan gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay xilli uu la hadlayay Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee Mareykanka, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

“Dhalinyarada Eritrea jirta mar dhaw wey imaanayaan, bisha aan ku jirno ee December inta aysan dhammaan wey soo bilaabanayaan, January wey soo dhameystirmi doonaan, waa diyaar arrintaas, dib u dhac dambe mar dambe ma rajeyneyno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu beeniyay in uu ka qeyb qaatay warar la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in ciidamada ku sugan halkaas ay ka barbar dagaallameen kuwa Eritrea xilligii uu socday dagaalkii Tigray.

Madaxweynaha markii uu July booqday ciidamada ku sugan Eritrea
Madaxweynaha markii uu July booqday ciidamada ku sugan Eritrea

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay howlgalka Midowga Afrika ee Atmis kaalintooda ku aaddan ka shaqeynta amniga dalka isla markaana naftooda ay u hureen sidii dalka loogu soo celin lahaa xasiloonida.

Wuxuu intaa ku daray in ciidamada nabad-ilaalinta ee howlgalka Atmis ay qeyb weyn ku leeyihiin la dagaallanka Al-Shabaab.

“Aad iyo aad ayaan uga mahadcelinayaa, muddo ayay nala soo joogeen 15 ilaa 16 sano, rag badan iyo gabdho badan baa ku dhintay…qiyaas gabadha degan Uganda oo seygeedii iyo ama wiilkeedii ku dhintay Soomaalya, Ma jiro wax dan ah oo Uganda ka jiro Soomaaliya oo ay is leedahay amaad ka heshaa Soomaaliya oo siyaasad ama wax kale ma jiraan, xudduud nagama dhexeeyo”.

Madaxweynaha wuxuu sidoo kale sheegay in meesha lagu gaaro bisha December ee sanadka 2025-ka ay si rasmi ah dalka uga bixi doonaan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

“Mas’uuliyada amniga dalkeena iyo dadkeena anaga ayay na saaran tahay, marka aan gabnay ayay dadkaas inoo soo gurmadeen , hadda waan soo jeednaa waxaan go’aansanay in mas’uuliyaddii dadkeena iyo dalkeena aan dib ula soo noqonno , qorshe ayaa degan, heshiis baa yaalla bisha December 2024 askariga ugu dambeeyay ee Atmis ayaa dalka ka bixi doonaa”.

Horay waxaa Soomaaliya uga dhacay dibadbaxyo dowladda codsanayay inay meel ku sheegto ciidamadii tababarka loo geeyay Eritrea.

Ciidamada Soomaalida ee tababarka loogu soo xiray Eritrea
Ciidamada Soomaalida ee tababarka loogu soo xiray Eritrea

Kadib markii lasoo doortay madaxweynaha wuxuu ballan qaaday in uu dalka dib ugu soo celin doonto askarta Soomaaliya ee tababarka lagu siinayay dalka Eritrea, wuxuu boqday ciidamadii tababarka loogu soo xiray halkaas.

Bishii July ee sanadkan oo ah xilliga uu Madaxweynuhu booqday ayey ahayd markii ugu horreysay ee fagaaro lagu arkay ciidamadii tababarka u joogay dalka Eritrea.

Madaxweynaha oo uu xilliggaas wehelinayay dhiggiisa dalka Eriteriya, Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ah oo tababbar u jooga dalkaas. Wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka tirsan saraakiisha iyo askarta.

Maxay yihiin ciidankan?

Dowladda ilaa iyo hadda ma aysan sheegin qeybaha kala duwan ay ka kooban yihiin ciidamadan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta ciidanka tababarka loo geeyay dalka Eritrea markii uu xilka ku wareejinayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay in ciidankaas oo tiradooda ay gaarayso 5,000 oo askari ay isugu jiraan qeybaha ciidanka. Wuxuu xusay in ay tababarka dhameysteen bartamihii sanadkii 2021. “Iyadoo la rabay in la keeno dib baan u dhignay sababtoo ah xaaladda siyaasadeed iyo doorashada aan ku jirnay in ay isa saameyso,” ayuu yiri Farmaajo.

Taliyihii hore ee sirdoonka Yaasiin Fareey ayaa sheegay in ciidamada lagu tababarayo Eritrea ay dowladda u wakiilatay hay’adda NISA balse aysan aheyn ciidan ka tirsan nabad sugidda.

“Waa ciidan loogu talagalay inay ka qeyb qaataan difaaca dalka, ciidanka lagu tababarayo ma aheyn ciidan ay hay’addu dirtay, waxay ahaayeen ciidan qaran oo ay hay’adda wakiil uga aheyd dowladda madaxdii joogtay xilliggaas ayaa si gaar ah uga shaqeysay , haddana waxaa kala shaqeynayaa madaxda cusub,” ayuu yiri kusimihii hore taliyaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya mar uu wareysi siinayay SMS TV.