M/weyne Dal Afrikaana oo shaaciyey in Hay’adaha Sirdoonka Dalkiisu ceebeeyeen

Koox mitidiin ah ayaa weerar ku qaaday jeelka Kuje

XIGASHADA SAWIRKA,OTHER

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa sheegay inuu waji gabax kala kulmay hay’adaha sirdoonka dalkaas, kaddib weerarkii lagu qaaday xabsiga Kuje ee magaalada Abuja habeenkii talaadada.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay mar uu Arbacadii shalay ahayd booqday xabsiga, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray afhayeenkiisa Malam Garba Shehu.

“Hay’adaha sirdoonku way i ceebeeyeen, sidee argagixisadu u diyaar garoobi kartaa, oo hubka u qaadan kartaa si ay u weeraraan bar-koontarool oo ay  u baxsadaan?” Waa su’aalihii uu ku canaantay ciidamada asluubta ee xabsigaasi ka shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa jeelka joogay ku dhowaad 30 daqiiqo, wuxuuna su’aalo dhowr ah weydiiyay maamulka iyo ciidamada xabsiga.

“Sidee ayay ciidamadu asluubtu ugu fashilmeen in ay joojiyaan weerarka? Imisa maxbuus ayaa ku jirta? Imisa ayaa la raadin karaa? Imisa askari ayaa shaqada ku jiray xilliga uu falku dhacayay? Imisa ayaa sitay hub? Waa su’aalihii uu ku boobay madaxweyne Buhuri ciidamada iyo madaxdooda.

Isagoo u muuqday inuu ka careysan yahay weerarka kooxaha hubeysan ay ku qaadeen jeelka ayuu sii waday su’aalo waydiinta la xiriirta sida ay wax u dhaceen. “Ilaalada xabsigu miyay fuuleen taawarka? Kaamarada ammaanku miyay shaqaynaysaa?”

Madaxweynaha ayaa markii dambe sheegay in loo baahan yahay in warbixin laga siiyo sida ay wax u dhaceen oo faah-faahsan.

Madaxweyne Buhari

XIGASHADA SAWIRKA,MADAXTOOYADA NIGERIA

Dhanka kale, Weerar ay mintidiin hubeysan ku qaadeen kolonyada madaxtooyada dalka Nigeria ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga falceliyay dadka Nigeria iyo khubarrada dhanka ammaanka, kuwaas oo sheegay in ay taasi calaamad u tahay xaaladda ammaan ee dalkaas oo sii xumaaneysa.

Kolonyada ayay dabley hubeysan weerartay habeennimadii Talaadada ee toddobaadkan, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Daura ee Ismaamulka Katsina.

War-saxaafadeed uu soo saaray Mallam Garba Shehu oo ah afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Nigeria uusan la socon kolonyada xilliga uu weerarku dhacayay.

Weerarkii lagu qaaday kolonyada madaxtooyada iyo sidoo kale weerarro is-xigxigay oo lala beegsaday ciidamada ammaanka oo uu ka mid ahaa dilkii taliyihii hore ee booliska iyo guddoomiye ku-xigeenka gobolka Katsina ayaa dhamaantood dhacay isku waqti.

Sidoo kale, waxaa jiray weeraro gaadmo ah oo ka dhacay gobolka Niger, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan dad gaaraya 30 qof. Halka weerarku uu ka dhacay ayaa ah goob macdanta laga qodo, waxaana khubarrada dhanka ammaanka ay ku tilmaamayaan falalkaan is-xigxigay ee dhanka amniga ah arrin muujinaysa sida kooxaha hubeysan ay ugu xoogaysanayaan dalka Nigeria

Xeeldheerayaasha ayaa sheegaya in tallaabooyinkaan ay sameynayaan kooxaha hubeysan ay horseedi karto inay isbidaan awood iskuna arkaan in meesha ayba ka saari karaan dowladda.

Dr Kabiru Adamu, oo ah khabiir dhanka ammaanka ah oo u dhashay dalka Nigeria, ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada ammaanku ay u muuqdaan inay ka tageen xeeladahooda ka-hor-tagga argagixisada ama laga yaabo in qaar aysan fahmin xeeladahaas. Wuxuu sheegay in waxa ciidamada ka maqan ay tahay ururinta xogta shakhsi, la socodka yo isku xirnaanta.

“Dableyda ayaa hore weerarro u soo qaaday, waa ay guulaysteen, mana jirto wax natiijo ah oo ka soo baxay tallaabo kasta oo ay dawladdu qaaddo,” ayuu yiri Mallam Kabiru Adamu.

Wuxuu sheegay in ay jiraan weerarro iyo guulo badan oo ay soo hoyeen kooxahaas, kuwaas oo aan wax tallaabo ah laga qaadin.

Kabiru ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto habacsanaan dhanka xog-ururinta iyo dabagalka ah oo dhanka ciidamada ah.

Dadweynaha Nigeria ayaa falalkaan ugu dambeeyay ee dhanka amniga ah iyaguna kaga falceliyay baraha bulshada, waxayna walaac ka muujinayaan weerarrada isa-soo-taraya ee kooxaha hubeysan ay ka gaysnayaan dalkaas. Dowladda ayay ku booriyeen in ay la timaado qorshe ay wax uga qabanayso.