M/weyne Geelle oo ka hadlay xiligay aqoonsiga siinayaan Somaliland,Cabsi uu ka qabo Eritrea & Arrimo kale oo xasaasi ah

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi ku baxay Afka Faransiiska siiyey Wargeyska Jeune Afrique ayaa wax laga weydiiyey xidhiidhka dalkiisa iyo Eritrea, Dagaalkii Tigrey, Saldhiga milateri ee Ruushku ka dhiseynayo Eritrea, aqoonsiga Somaliland iyo arrimo kale oo xasaasi ah

Mar la weydiiyey cabsida ay qabaan ciidanka Eritrea, haddii ay ka baxeen dagaalka Tigrey ayaa sheegay in ciidankaas ay halis ku yihiin amniga dalkiisa.

“Xiidhiidh ma lihin Madaxweyne Afewerki, balse arrintan waa khatar. Waayo waa ciidan aad u badan oo mushahar aad u liita qaata oo ku caan baxay kufsiga iyo dilka macno darada ah marka ay fursad u helaan, maaha ciidan isku xidhan, si la mid ah awoodda siyaasadeed ee Eriteriya, waxaa gacanta ku haya masiixiyiin Ortodox ah oo af Tigriyan ah ku hadla. Takoorka muslimiinta lagu hayo ayaana sii kordheya” ayuu yidhi Geelle.

Geelle oo la weydiiyey iney aqoonsanayaan Somaliland, wuxuu sheegay inaysan aqoonsan doonin oo xitaa haddii dunida dhan aqoonsato ay ahaan doonaan cida u dambeysa.

“Anaga ayaa noqon doona kuwa ugu dambeeya ee sidaas sameeya! Maxaad u rabtaa inaad dhibaatooyin kale ka abuurto xuduudaheena- waxaan xidhiidh wanaagsan la leenahay dawladda Faderaalka Soomaaliya oo aan ixtiraamaynaa” ayuu yidhi Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Heshiiska TPLF uu la galay ayuu bogaadiyey madaxweyne Geelle, isagoo sheegay inay danta gobolka tahay heshiiska la gaaray, wuxuuse sheegay in ay wali jiraan caqabado oo nabada hor taagan

Madaxweyne Geelle ayaa walaac ka muujiyey Saldhiga Milateri ee Ruushka  ka dhisanayo dalka Eritrea, isagoo sheegay inay iyagu horey u diideen Saldhigaas, xili dalkiisu martigaliyey Saldhigyada Shiinaha, Jarmalka, Faransiiska iyo Mareykanka oo dano iska horjeeda ka leh gobolka.

Geelle oo soo hadal qaaday Mucaaradka dalkiisa ayaa ku sifeeyey kuwa aan awood laheyn oo xiriir laleh Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar, wuxuuna ku sifeeyey cadow dalkiisu leeyahay, isagoo Dhinaca Soomaaliya u soo jeediyey inay doorasho xor iyo xalaal ah ka dhacdo.

Mar la weydiiyey su’aal u ahayd, “Jabuuti waa mid ka mid ah Wadamada yar oo Afrikaan ah – waana kan keliya ee Bariga Afrika ku yaalla – ee aan dambiga lagu soo oogin khaniisnimada. Maxaa keenay duwanaanshaha? Geelle ayaa ku jawaabay “Ilaa iyo inta ay ku jirto meel gaar ah, ma jirto sabab ay Dawladdu ama maxkamaduhu u soo farageliyaan arrimahas gaar-ka ah”.

Jawaabta Geelle ayaa u muuqatay mid uu kaga gaabsanayey inuu ka bixiyo jawaab waafi ah, maadaama mowduucan uu waayahan ahaa mid xasaasi ah oo reer galbeedku ay u ololeynayeen, dalal badana lagu colaadiyey.