Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee maanta, ku qaabilay Madaxtootayada, ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Jabuuti ayaa kamid ah dalalka daneynaya in Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay dalkeeda ka qabsoomaan, maadaama ay horeyba dalkeeda uga dhaceen kulamo hore.